Wasiir hore oo lagu khaarijiyey weerar ka dhacay koonfurta Soomaaliya

Image

JOWHAR, Soomaaliya – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax culus oo Sabtida maanta ah ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ugu yaraan shan ruux oo ay ku jiraan mas’uuliyiinta sarre ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen dhacdadaasi.

Sabriye Cusmaan Toxubow, wasiirkii hore ee ganacsiga HirShabelle ayaa la sheegay in uu ku geeriyoodey weerarkaasi.

Cabdullaahi Shitaawe, guddoomiye ku xigeenkii Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxa uu kamid noqday dadkii ku dhintay falkan.

Illo wareedyo ayaa warsidaha Garowe Online u dusiyey in Xasan Baldoos oo ahaa ruux ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimadda uu kamid yahay dadka dhintay.

Madaxweynaha maamulka Jowhar, Maxamed Cabdi Waare oo si adag u cambaareeyay dhacdadan naxdinta leh ayaa ku eedeeyay ururka AlShabaab.

Wadada xiriirisa Balcad-Jowhar iyo Muqdisho-Jowhar ayaa waxaa joogitaan xoogan ku leh ururka gacansaarka la leh Al-Qaacida, kuwaasi oo dhowr jeer mas'uuliyiin sarre ku laayey halkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM