Wasiir ka hadlay nin u dhashay Ingiriiska oo lagu qabtey Garoonka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Somalia - Wasiirka Duulista Hawada Xukuumadda Somalia, Maxamed Cabdullaahi Salaad [Oomaar] ayaa ka hadlay markii ugu horeysay nin Ajnabi ah, oo Axadii shalay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ninkaan oo u dhashay Ingiriiska kana mid ahaa rakaabka diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa laga shakiyay kadib markii boorsadiisa lagu arkay sunta gaaska ah ee dadka ka ilmeysiisa [Tear Gas] xilli uu marayay qeynta baaritaanka Garoonka.

Waaxda amniga ayaa ninkan oo magaciisa la shaacin wali ku wareejiyay NISA, oo haatan gacanta ku haysa kiiskiisa, sida laga soo xigtay Wasiirka, isagoo raaciyay in su’aallo laga waydiinayo waxyaabaha uu watay.

Oomaar ayaa tibaaxay in natiijo horudhac ah oo kasoo baxday baarista ay muujinayso in waxa la tuhmay aanu ahayn qarax, isagoo ku sheegay sunta dadka Indhahooda ilmada ka keenta.

"Ninka markii uu dalka ku sugnaa ayuu haystay Sunta…wuxuuna noo sheegay maadaama uu ka baxayo inuu rabay inuu horey usii qaato," ayuu Wasiirka u sheegay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga, isagoo diiday bixinta tafaasiil dheeri ah.

Warar ayaa tibaaxaya in dhacdaan ay khal-khal amni ay abuurtay, balse, wasiirka Duulista ayaa si adag gaashaanka ugu dhuftay isaga oo hoosta ka xariiqay in howlihii garoonka ay haatan si caadi u socdaan.

"Sida garoomada caalamka marka aan Boorsadaada ugu dhex-hilmaamto Toorey, oo laguugu joojiyo Kontaroolka 1aad ayaa loola tacaalamay..ma jirto khal-khal amni, dhalinyaro Soomaaliyeed ayaana gacanta ku haysta, oo u tababaran," ayuu daba dhigay.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay gacanta ku hayso shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa lagu sameeyay isbedalo kala duwan, iyada oo la horumariyay hanaanka amniga, oo ay adag tahay inuu qof kasta gudaha ugalo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM