Wasiir ka tirsan dal ay is-hayaan Soomaaliya oo "waji gabax" la kulmay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiir ka socday dal ay is-hayaan Soomaaliya ayaa dharbaaxo kulul waxa uu kala kulmay kulan caalami ah, sidda uu ka dhawaajiyey diblumaasiga ugu sareey xukuumada federaalka ah.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa waxa uu ka gaabsaday in uu farta ku fiiqo ama uu bixiyo sifooyin lagu aqoonsan karo wadanka uu ka tirsan yahay mas'uulkaasi iyo xilka uu hayo.

Hasa ahaatee Cawad ayaa bidhaamiyey in kulankaasi uu ahaa Oslo Forum oo ka dhacay dalka qaarada Yurub ka tirsan ee Norway horaantii sanadkan 2019, halkaasi oo uu isagu ku metalayey Soomaaliya.

"Maalin dhoweyd, mar aan ka qeybgalay wax la yiraahdo Oslo Forum, annaga waxaa noola soo dhaweeyay sida [halyeeyo], halka wasiir ka socda mid kamid ah dalalka aan is-hayno garbaha laga galayey, oo eedeymo loo jeediyey," ayuu Cawad ku sheegay wareysi.

Inkasta oo wasiir Cawad uusan shaaca ka qaadin waxay ku saabsaneyd eedeynta loo jeediyey mas'uulkaasi uu sheegay in ay waji gabaxa qabsatay, haddana wuxuu u muuqday mid aad ugu faraxsan dhacdadaasi.

Isaga oo sii hadlaya ayaa wuxuu intaasi raaciyey: "Taasi waxay ku tusineysaa, sida uu caalamka raali uga yahay siyaasadeena arrimaha dibadda iyo talaabooyinka aanu illaa iyo haatan qaadanay".

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadda oo ay taagan tahay xiisad dhanka badda ah oo u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kuwaasi oo dacwadooda ay hortaalo Maxkamada Cadaaalda Aduunka.

Xukuumadda Nairobi oo horey ugu eedeysay Norway iyo Ingiriiska in ay hurinayaa xiisada kala dhaxeysay Muqdisho ayaa shaacisay in ay cabasho ka dhan ah labadaasi dowladood u gubin doonto Qaramada Midoobay.

Bisha soo aadan ee September ayay ICJ dib u bilaabi doontaa dhageysiga kiiskan oo maraya heer gabagabo ah, lana filo in kadib ay xeer-beegtadu soo saarto go'aan kama dambeys ah.

Gal-dacwadeedkan ayaa mad-madow wuxuu geliyey cilaaqaadka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo haatan u muuqda mid gaarey heerkii ugu adkaa

"Xiriirka annaga iyo Kenya ma uusan joogsan. Safaaradaha labada dhinac way shaqeynayaa. Arrinta badda kama furna wada hadal, laakiin arrimaha kale waynu kawada hadli karnaa," ayuu daba dhigay Cawad.

Ugu dambeyntii, waxa uu mar kale qashinka ku daray sheegashooyinnka "been abuurka ah" ee ku saabsan in madaxda dowladda ay ka tanaasuleen dacwada, isaga oo xusay in Soomaaliya difaacan doonto kiiskeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM