Wasiir Xukuumadda Somalia katirsan oo Gaarigiisa lagu qarxiyay Muqdisho [XOG]

Image

MUQDISHO, Somalia - Xog dheeraad ah ayaa laga helayaa cida iska leh Gaari nooca aan xabadda karin [Bullet-proof] oo shalay lagu qarxiyay afaafka hore ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare oo ku taalla nawaaxiga Zoobe.

Macluumaad uu helay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in Gaariga uu leeyahay Xamza Saciid Xamza Wasiirka Gargaarka Somalia, iyadoo uu siiyay Xildhibaan Cartan kadib markii wasiirka uu noqday.

Gaariga ayaa dhowr maalmood kahor la geeyay Garaasha ku yaalla Muqdisho, balse lama oga in qaraxa halkaasi looga soo xiray iyo inkale, balse waxaa socda baaritaan ay wadaan hay'adaha amniga dowladda.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray gudaha Gaariga, maadaama uu yahay kuwa aan xabadda-karin, waxaana falkan uu dhalilay shaki ah inuu jiray shiqool la doonayay in lagu khaarijiyo wasiir Xamza.

Wasiirka lama uusan socon Gaariga xilliga qaraxa, balse waxaa ku dhintay Darawalkiisa.

Wali hay'addaha amniga dowladda ma aysan bixin fahfaahino la xiriira qaabka qaraxa loogu xiray gaariga Wasiirka, laakiin Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa.

Xamza ayaa xilka wasiirnimo loo magacabey bishii May ee 2018, isagoo bedelay Maryan Qaasim oo is-casishay 2017, kadib markii ay sheegtay in shaqooyinka xafiiskeeda loo madax-baneyn waayay, oo lagu farageliyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo abaal-marin guddoonsiiyay Ciidamada Mareykanka 

Booqashadan ayaa imaneysa iyadoo ay weli taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxaysa maamulka Jubaland.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 08:59AM

Dagaal culus iyo qaraxyo gaadiid ah kadib Al-Shabaab oo la wareegtay Moqokori

Waa degmadii labaad oo dowladda laga saarey tan iyo horaantii sanadkan, taasoo dhabar-jab ku ah maamulka Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    07-07-2025

  • 01:23PM