​Wasiir Odowaa oo ka hadlay eedaynta Puntland

Image

MUQDISHU- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen "Odowa", ayaa ka jawaabay eedayn uga timi dowladda Puntland oo sheegtay in dagaalyahannada soo gaaray xeebaha deegaanada maamulkaasi abaabulkeeda ku lug leedahay dowladda dhexe ee Somalia.

Odowaa, ayaa sheegay in hadalkaasi uu yahay mid aad u weyn oo loo baahanyahay in qof ka yiri oo ka fiirsado, wuxuuna sheegay in colaadda ka dhaxaysa kooxda Al-Shabaab iyo dowladda Federalka Somalia qof walba ka warqabo, sidaasi darteed marnaba suuro gal ahayn inay taageero siiyaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa xusay inay ka warhayeen dhaq-dhaqaaq ay ka wadeen Al-Shabaab degmada Xarar-dheere islamarkaana jareen khadka isgaarsiinta iyagoo doonyo afduubtay, laakiin aysan ka warhayn safarkooda Puntland.

Isagoo la hadlayay laanta Afka Somaliga ee VOA, Odowa ayaa wax laga weydiiyay qorshaha mallayshiyaadkaasi gaaray dhul katirsan dalka Somalia oo mas'uuliyad kasaarantahay dowladda, dhexe wuxuuna sheegay inay soo dhaweynayaan dadaal walba oo kooxahaasi dalka looga sifeynayo isagoo tilmaamay in arrintaasi ku suuro gali karto isku duubni.

Wuxuu ammaamay xasiloonida ka jirta deegaanada Puntland isagoo cadeeyay in kooxahan sidii deegaanada maamulkaasi looga ilaalin lahaa lagu bixiyay juhdi iyo dadaal.

Waxaa sidoo kale uu ka waramay safar uu dhawaan ku gaaray degmada Baladweyne gobolka Hiiran iyo halka uu marayo shirka maamul u samaynta gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan, wuxuuna tilmaamay inay wadaan dadaallo tiro badan oo lagu soo afmeerayo tabashooyin ka yimi qaar kamid ah waxgaradka, wuxuuna xusay in arrintaasi u baahantahay karti iyo dhabar adayga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Mucaaradka la Kulmay Kadib Cadaadiska Beesha Caalamka

Madaxweynaha Xasan Sheekh, oo hore loogu dhaleeceeyay mowqifkiisa adag, ayaa la sheegay inuu jilciyay aragtidiisa.

  • Soomaliya

    25-06-2025

  • 09:38AM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo dabciyay mowqifkiisa, lana kulmaya Mucaaradka 

Kulanka ayaa la filayaa in lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hab-raaca doorashada 2026.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 12:52PM