Wasiir shaki geliyey inuu xal keenayo wadahadalka Farmaajo iyo Uhuru

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyadoo dood badan ay ka taagneyd in wadahadalkii telefoonka ee madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya, hadana waxaa arrinta holac kusii shiday Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka xiriirka caalamka ee Soomaaliya, ayaa tibaaxay in wadaxaajoodkaas uusan damaanad qaadi karin xal kama dambeys ah oo laga gaaro isqabqabsiga labada dal.

Intii lagu guda jiray wareysi dhinacyo kala duwan ka hadlaya oo uu siiyey VOA-da ayuu hadalkaas ka dhawaajiyey.

"In labada madaxweyne isla hadlaan ama mas'uuliyiinta labada dhinac wadahadlaan waxay qeyb ka tahay hagaajinta iyo xoojinta xiriirka, talaabooyin kalena in lagu sii daro way haboon tahay," ayuu yiri.

Farmaajo iyo Uhuru ayaa horey u yeeshay wadahadalo badan, wallow qodobadii kasoo baxay la fuliyey haddana ma aysan ka dhalan xal waara.

Tusaale ahaan wadahadalkii u dambeeyay oo ay Nairobi ku yeesheen sanadkii hore waxay ku shaaciyeen in caadi lagu soo celiyo xiriirka labada dal, balse mar kale waxaa soo ifbaxay khilaaf xoogan.

"Isla hadalka madaxweyneyaasha wax badan buu daaweyn karaa, laakiin ma jirto wax hubaal ah oo ah in aanu khilaaf kale dhici doonin, marka isu imaanshiyahooda, wadahadalkooda iyo ergada ay soo direen Kenya waa bilow fiican," ayuu ku daray wasiir Cawad.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyaddoo la filayo in uu Farmaajo u socdaalo Nairobi si uu ugala hadlo arrinta xuduudka iyo xiisada Jubaland.

Guddi heer sarre ah oo ay labada hogaamiye u saarnaa qabanqaabada safarkaas ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay isla meeldhigi doonan taariikhda booqashadda oo aan wali si rasmi ah daaha looga rogin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM