Wasiir sharaxay dhismaha Guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Cadaaladda xukuumada Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji, ayaa fahfaahin dheeri ah ka bixiyay sharciga dhismaha Guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa, kaasi oo hadda horyaalla Gollaha Aqalka Sare.

Sharcigaan oo uu soo meel-mariyay Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa inay akhrinta labaad marsiiyaan Aqalka Sare, kuwaasi oo la filayo inay ansixiyaan dood dheeri kadib.

Xukuumada Soomaaliya ayaa dhowr jeer meel-fagaaro ah ka sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhisi doono Guddiga la dagaalanka musuq-maasuq, si loo dar-dargeliyo ciribtirka wax-is-dabamarinta.

Balse, Wasiir Xaaji oo meesha ka saarey in si deg deg ah lagu soo dhisayo Guddigaan ayaa si cad wuxuu daboolka uga qaaday inuu ubaahan yahay nidaam dheer oo waqti badan qaadan kara, si loo soo dhisi Guddigaan.

“Waa in marka hore sharcigaan uu meel-mariyaan Aqalka sarre, kadibna uu saxiixaa Madaxwaynaha, laguna soo saaraan faafinta rasmiga ah..Markaasi kadib ayaa la dhisi doonaa,” ayuu yiri Wasiirka Cadaalada.

Wasiirka ayaa hadalkiisa raaciyay in marka laga soo gudbo nidaamkaan ay ku dhaqaaqi karaan soo xulashada xubnaha Guddiga, kuwaasi oo uu xusay inay jiraan shuruudo ay ku qaadan doonan, inkasta oo uusan bidhaamin.

Soomaaliya ayaa safka hore uga jirta liiska dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, halkaasi oo xubnaha dowlada la sheego inay ku bixiyaan dhaqaalo badan si ay udaafacdaan kuraastooda.

Horaantii sanadkaan, xukuumada ayaa maxkamad soo taagto Isku-duwaha masharuuc uu Bankiga Horumarinta Islaamka ka fulinayo Soomaaliya, kaasi oo ay maxkamad ku taalo Muqdisho ku xukuntay saddex sano oo xabsi ah.

Dhisitaanka Guddiga ayaa loo arkaa mid bud-dhig unoqon kara in dalka laga xorreyo musuq-maasuqa la degtay 30-kii sano ee lasoo dhaafay, inkasta oo ay jiri karaan caqabado keena inaan si dhab ah loo dabar-jarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM