Wasiir si carro leh uga hadlay wararka sheegaya in Sharif Xasan la kulmay Safiirka Israel

Image

NAIROBI, Kenya - Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed, Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wararka sheegaya in Madaxwayne Shariif Xasan uu dalka Kenya kula kulmay Safiirka Israel Nairobi u fadhiya.

Shariif Xasan ayaa magaalada caasimada ah ee Nairobi ku sugan, halkaasi oo ay ku wehliyaan Madaxwaynayaasha maamuladda Puntland iyo Jubbaland, iyaga oo kulamo la qaatey qaar kamid ah safiiradda dalalka uqaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Wasiir Xasan oo u waramay warbaahinta ayaa gaashaanka ku dhuftay wararkaasi, isaga oo ku nuux-nuux sadey in Shariif Xasan uu kaliya Nairobi kulamo kula qaatey Beesha Caalamka ayna kawada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay dalka.

"Israel waa dalal kamid ah kuwa caaalamka, Madaxwaynaha lagama xakameeyo xafiiskeyga, balse hadii ay dhacdo inuu la kulmay, maba la kulminee, ma aqaano waxa halkaasi ku jaban, Nabiga [SCW] ayaaba la fariisan jiray," ayuu ku daray Wasiirka.

Shariif Xasan ayaa wajahaya loolan adag oo dhanka doorashadda ah, xili murashaxiin dhowr ah oo uu kamid yahay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ay isku soo taageen qabashada xilka ugu sareeya maamulkaan, oo baratan adag loo geli doono.

"Wararkaasi waxaa faafinaya kuwa lacag lasoo siiyey oo sawiradda aad aragteen isku dhejinaya. Marka, waxaa muhiim ah in saxaafadu ay sheegto waxay hubto, ma ahan inaad i waydiisaan waxaa la sheegay," ayuu ku doodey Wasiirka Dastuurka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed oo wax laga waydiiyay amaanka degaanada maamulkaan maadaama doorasho kusoo food-leedahay ayaa tibaaxay in ciidamada ay kordhiyeen ciidamadooda howlgalada lagu sugayo nabad-gelyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Dowladda oo Guul ka sheegatay dagaalkii Wargaadhi

Al-Shabaab ayaa isku dayay in halkaasi ay dib isugu abaabulaan, balse ciidanku waxay ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 09:47AM

Xog cusub oo kasoo korartay weerarkii Wargaadhi, Shabeellaha Dhexe

Deegaanka Wargaadhi ayaa ah marin istiraatiiji ah oo muhiim u ah isku xirka gobollada xeebaha iyo gudaha ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 09:31AM