Wasiirkii Warfaafinta ee xukuumada Soomaaliya oo is-casilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirkii Warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqay in uu gebi ahaanba baneeyay jagadii uu qaranka u hayey.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa is-casilaadiisa ku sababeeyay "kala aragti duwanaanshiyo" soo kala dhex-gashay isaga iyo hogaanka xukuumadda uu hogaamiyo ra'iisul wasaare Khayre.

Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ku saabsan shaqo ka tegista Geelle oo kasoo baxay Laanta Fulinta ee dalka leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.

Mr Geelle ayaa waxa uu horey u soo noqday safiirka Soomaaliya u fadhiyay Boqortooyadda Sacuudi Carabiya, halkaasi oo sanado badan oo ka howlgalayey.

Bishii May 2018 ayaa Geelle loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta, waxa uuna qayb ka ahaa lix xubnood oo uu xiligaasi Khayre kusoo daray Golihiisa Wasiirada.

Xiligaasi waxa uu bedellay Cabdiraxmaan Cumar Cismaan, oo laga dhigay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho kadib eryidii Taabit Cabdi Maxamed.

Waa mas'uulkii labaad oo wadashaqeyn xumo isaga casila xukuumada Khayre. Drs Maryam Qaasim, wasiirkii Gargaarka ayaa November 2017-kii shaqada uga tegtay farogelin shaqadeeda lagu hayo. 

Tegitaanka Geelle ayaa imaaneysa xili todobaadyo kahor uu ka hadlay shir ay magaalada Nairobi ku yeesheen siyaasiyiin mucaarad ah, isaga oo sheegay in xukuumada wadahadal diyaar u tahay. [Halkaan ka akhriso] 

Hasayeeshee, Khadiija Maxamed Diiriye, wasiirka cayaaraha oo kolkii dambe ka fal-celisay kulankaasi ayaa ku tilmaamay "mid lagu burburinayo qaranka Soomaaliyeed" waxayna meesha ka saartay wadaxaajood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM