Wasiir Xoosh iyo Gudoomiye Madaale oo hortagay baarlamaanka

Image
Labada mas'uul ayaa wax laga waydiiyay shaqooyinkooda gaar ahaan caqabadaha amniga iyo dib-u-heshiisiinta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga arrimaha gudaha, amniga iyo maamul goboleedyada ee Golaha Shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan su’aalo weydiin ah xafiiskiisa Villa Hargeysa kula qaatay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib U heshiisiinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Magaaladda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) waxaana kulanka shir guddoomineysay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Fowsiya Maxamed Sheekh.

Ugu horeyn, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho ayaa guddiga warbixin ka siiyay shaqooyinka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka gobolka Banaadir iyo sidoo kale qorshayaasha u degsan.

Intaasi ka dib, xubnaha guddiga ayaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho weydiiyay su’aalo ku saabsan shaqooyinka wasaaradda iyo maamulka gobolka Banaadir ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan oo ay ka mid yihiin xaaladda amaanka ee dalka gaar ahaan dhacdoiyinkii ugu dambeeyay ee magaaladda Muqdisho ka dhacay oo ay ka mid tahay weerarkii khawaariijta ku qaadeen xeebta Liido.

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ,federaalka iyo dib U heshiisiinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka banaadir Ahna duqa Magaaladda Muqdisho ayaa ka jawaabay su’aalo uu guddiga weydiiyay,waxa ayna sheegeen in ay dardar gelin doonaan shaqada ay qaranka u hayaan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha,amniga iyo maamul goboleedyada ee golaha shacabka Xildhibaan Fowsiya Maxamed Sheekh oo kulanka soo xirtay ayaa u mahadcelisay wasiirka arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho,waxa ayna sheegtay in kulankan uu ka mid yahay isla xisaabtan uu guddiga la yeelanayo hay'adaha kor joogteyntoodu uu leeyahay kulamada kor joogeynta ahna sii socon doonaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM