Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyey heshiisyo lala galay Qadar

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta waxa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada.

Shirka ayaa looga hadlay u diyaar garowga iyo qaban-qaabada maalamha xorriyadda dalka iyo midnimada, waxaana warbixin laga dhagaysay guddigii dhawaan uu Khayre u magacaabay ka shaqaynta munaasabadaha muhiimka ah.

Kulanka ayaa sidoo kale warbixin looga dhagaystay wasaaradda amniga gudaha oo soo bandhigtay horumarrada laga gaary sugidda amniga iyo qorshaha lagu horumarinayo.

Golaha ayaa meel mariyay Heshiisyada dhiirri gelinta iyo ilaalinta maal-gashi iyo dhaqaalaha iyo farsamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Fahfaahinta ama nuqulo kamid ah heshiiskaasi ayaa nan loosoo bandhigin saxaafadda. Si lamid ah lama ogga hadii ay Laanta Fulinta u gudbin doonto baarlamaanka.

Xildhibaano ka tirsan labada dal ayaa horey uga dhawaajiyey in heshiisyadii ay horey dowlada ula gashay qaar kamid ah dalalka caalamka aanan la horkeeni goleyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM