Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyey heshiis lala galay Sacuudi Carabiya
MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ayaa maanta ansixiyay heshiis is-afgarad oo ku saabsan iskaashiga la-dagaallanka musuq-maasuqa, kaas oo dhex maray Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS iyo Hay’adda Korjoogtaynta iyo La-dagaallanka Musuq-maasuqa ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Heshiiskan ayaa ka kooban dhowr qodob oo ay ka mid yihiin Dhiirri-gelinta is-dhaafsiga cilmi-baarista iyo daraasadaha ka-hortagga musuq-maasuqa.meel-marinta sharciga, baarista, daba-galka iyo dib-u-soo-celinta hantida lagu helay musuq-maasuqa.qabashada tababarro iyo wadaagista khibradaha, iyo arrimo muhiim u ah Ladagaalkan musuqmaasuqa.
Wasiir Xasan Macalin ayaa ugu mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta heshiiska is-afgaradka iskaashiga la-dagaallanka musuq-maasuqa,
Heshiiskaan ayaa ka turjumaya danaha wadajirka ah ee JFS iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, wuxuuna billaw u yahay iskaashi miro-dhal ah.
GAROWE ONLINE