Wasiiradda Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Eritrea oo soo gaarey Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa saaka magaalada Muqdisho soo gaarey wafuud ay kala hogaaminayaan wasiiradda arrimaha dibadda dowladaha Itoobiya iyo Eritrea, iyadoo amaanka caasimadda si aad ah loo adkeeyay, lana xiray wadooyinka qaar.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirada Arrimaha Dibada Itoobiya Workneh Gebeyehu iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Ertriea Cusmaan Saalax, waxaana Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad.

Kulan saddex geesood ah ayaa wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ku yeelanayaan maanta Muqdisho, iyagoo kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka dalalka ay matalaan, oo hogaamiyayaashooda dhawaan heshiis ku gaarey Asmara.

Amaanka Caasimadda ayaa si aad ah loo adkeeyay kahor inta wafuuddan soo gaarin, iyadoo ciidamada ay xireen wadooyinka muhiimka ah, waxaana la hakiyay gaadiidka dadweynaha ee isaga kala gooshi jiray magaalada qeybaheeda kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM