Wasiiradda arrimaha dibadda Somalia, Ethiopia iyo Eritrea oo ku wajahan Jabuuti

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiradda arrimaha dibadda dowladaha Somalia, Eithiopia iyo Eritrea ayaa kusii jeeda dalka Jabuuti, xilli madaxda saddexdan dal ay ku shirayaan magaalada Asmara.

Saraakiil katirsan dowladda Federaalka ayaa warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay socdaalka Wasiiradda arrimaha dibadda ee wadanka Jabuuti, iyadoo aan wali la shaacin sababta hall mar ay u wada booqanayaan dalkan, oo colaad kala dhaxeysa Eritrea.

Eritrea iyo Jabuuti ayaa isku haya dhul ku yaalla xadka ay wadaagaan "Buurta Dumeira Mountain iyo Jaziiradda Dumeira], halkaasi oo ciidamada labada dal ay ku dagaalameen sanadkii 2008.

Madaxweyniyaasha Somalia iyo Eritrea oo uu wehliyo Ra'iisul Wasaaraha Eithiopia ayaa shir saddex geesood ah ku leh magaalada Asmara, iyagoo xalay kala saxiixday heshiis ku saabsan is-dhexgalka ganacsiga dalalkooda.

Jabuuti oo ku taalla gobolka Geeska Africa islamarkaana colaad kala dhaxeysa Eritrea ayaan ka muuqan isbedellada iyo is-gaashaanbuursiga ay sameynayaan dalalka gobolka, sababtoo ah xiriirkeeda Eritrea oo aan wanaagsanayn.

Sidoo kale, xiriirka dowladda Federaalka ah ee Somalia iyo Jabuuti ayaa mugdi soo kala dhexgalay, islamarkaana u billowday khilaaf siyaasadeed wixii ka dambeeyay booqashadii Farmaajo ee bishii July ee dalka Eritrea.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM