Wasiirka amniga oo kashifay xog ku saabsan weerarkii Otto Otto [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga ee xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa xaqiijiyay in saraakiil ka tirsan ciidamadda nabad sugidda iyo Booliska loo xiray weerarkii ka dhacay Todobaadkii tagey xeradda Otto Otto.

Xogta saraakiishaan la xiray oo uu horey u baahiyay Warsidaha Garowe Online ayaa waxay yihiin kuwii maamulayay Kontarooladda ku dhow xeradda Otto Otto, iyagoo isugu jira sarkaal ka tirsan Booliska iyo Hay'adda Nabad Sugidda Qaranka.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha loo xiray weerarka ay gaarayaan illaa iyo 30 xubnood, islamarkaana hadda uu ku socdo baaris ku aadan waxay ka ogaayeen weerarkaas, hadii ay iyaga fududeeyeen iyo qaabka Shabaab ugu suurta-gashay.

"Talaabadaan waa mid aan horey dalka loogu arag, waxayna qeyb ka tahay isbedaladda dowladdaan sameysay, horey ma ujirin in saraakiil loo xiray weeraro, waxay ka turjumeysaa inuu jiro isla xisaabtan dhan walba ah," ayuu Wasiir Islow raaciyay.

Isagoo sii hadlaya ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyay Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya in dowladda ay war kasoo saari doonto weerarkaas dhawaan, islamarkaana xubnaha lagu tuhmayo ee hadda xiran su'aalo weydiino ku socoto.

Geesta kale, Wasiir Islow oo soo hadal-qaaday dadka dowlada ku dhaliilaya inay xirtay Wadooyinka, ayuu ku tilmaamay yihiin "nabad-diid", isagoo ku nuux-nuux saday in xirnaanshaha jidadka qeyb ka yahay qorshaha amni sugista caasimadda loo dejiyay.

Weeraradii ugu dambeeyay oo qaab isku mid ah loosoo qorsheeyay ayaa waxay guux badan ka dhex-abuureen Hay'addaha amaanka dowladda, waxaana shaki badan ka dhashay is-aamninaad Askarta qaar ee Kontarooladda ku sugan.

Waxaa jira warar sheegaya in Wasiirka amniga la kulmayo culeyso lagu saarayo inuu xilka iska-casilo ama suurtgal ay yahay in laga qaado, sababo la xiriira fashilka dhanka amniga, kadib markii mudo todobaad gudahiisa Al-Shabaab labo weerar ka fulisay afaafka xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, iyadoo wadooyinku xiran yihiin.

Wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islow oo ah Ganacsade laga yaqaano gobolka Banaadir, islamarkaana ay aad isagu dhaw yihiin Ra'iisul Wasaare Khayre, oo xiriiro hoose uu ka dhaxeeyo ayaa marwalba diida xilka qaadis in lagu sameeyo.

HOOS KA DAAWO WAREYSI UU BIXIYAY ISLOW:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 11:18AM

Aadan Madoobe oo u safray Algeria xili uu  wajahayo Mooshin

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa Mooshinka saxiixay, oo ku adkaysanaya inay xilka ka qaadaan Aadan Madoobe, oo lumiyay Kalsoonidii Gollaha.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 09:20AM