Wasiirka Arrimaha Dibada Eritrea oo gaarey Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wafdi uu hor-kacayo wasiirka arrimaha dibada Eritrea ayaa maanta oo Sabti ah ka degay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Cismaan Saalax ayaa waxaa socdaalka ku wehliya lataliyaha gaarka ah madaxtooyada wadankaasi, Yemane Gabreab.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka xiriirka caalamka ee xukuumada federaalka ah ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Ujeedka socdaalka wafdiga ayaa lagu sheegay in ay tahay wadahadalo ay la yeeshaan madaxwaynaha dalka, Maxamed Farmaajo.

Dhinacyadda ayaa kawada hadli doona arrimo ku saabsan xaalada gobolka iyo dhaqan-gelinta heshiisyo ay horey u kala saxiixdeen hogaamiyaasha labada dal.

Bishii Agoosto 2018 ayay ahayd markii Cismaan Saalax uu socdaalkiisii ugu horeeyay mudo kadib uu ku yimid caasimada Soomaaliya.

Wasiir Cismaan ayaa bishii horey booqday Somaliland, halkaasi oo uu kula kulmay madaxwayne Muuse Biixi oo uu kala hadlay arrimo ay kamid yihiin wadahadalada u dhaxeeya maamulka Hargeysa iyo dowlada dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM