Khayre oo Muqdisho kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Qadar

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Qadar ahna ra'iisul wasaare ku xigeenka dalkaasi ayaa maanta oo Axad ah lagu soo dhaweeyay Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani oo wafdi horkacayey ayaa waxaa qayb ay ka ahaa Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Dekada dawladda Qatar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo xubna ka tirsan golaha wasiirrada ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan kusoo dhaweeyay wafdiga.

Soo dhaweynta kadib, waxaa loo galbiyey dhanka xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka, halkaasi oo ku yeesheen wada hadalo laba geesood ah oo arrimo dhowr ah looga hadlay.

Xafiiska Khayre ayaa shaaciyey in dhinacyadda ay isla gorfeeyeen adkeynta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo dardar gelinta mashaariicda ay Qatar ka fuliso Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in is-araga lagu soo qaadey mashruuca dhismaha dekadda Hobyo oo ay xukuumadda Dooxa daneynayso dhismaheeda, horeyna uu u dhax-dhigay madaxweynaha.

Mashaariicda kale oo ay Qadar dalka ka fulineyso ayaa waxaa sidoo kale kamid ah wadooyinka isku xira Muqdisho-Afgooye iyo Muqdisho-Jowhar, kuwaasi oo uu Khayre dhegax-dhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM