Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo su’aallo la waydiiyay

Image
Xubnaha guddiga ayaa wasiirka wax ka weydiiyay shaqooyinka safaaradaha Soomaaliya ee caalamka ku yaala.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ee Golaha Shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa Villa Hargeysa kulan su'aalo weydiin ah kula qaatay wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi oo ay wehliyaan xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda, qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada wasaaradda iyo danjirayaal, waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiye kuxigeenka guddiga ahna sii hayaha guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Aweys Xuseen Macalin oo uu wehliyo xoghayaha guddiga Xildhibaan Sayid Cali Isaaq.

Fiqi ayaa guddiga uga warbixiyay guulihii laga gaaray arrimaha diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga oo ay ka mid yihiin xubinimada golaha amaanka iyo ku biiritaanka urur goboleedka dhaqaalaha bulshada bariga Afrika.

Xubnaha guddiga ayaa wasiirka wax ka weydiiyay shaqooyinka safaaradaha Soomaaliya ee caalamka ku yaala ,shirkii dowladda Turkiga ay garwadeenka ka aheyd ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Eithiopia ,dhismooyinka safaaradaha Soomaaliya ee dayactirka u baahan iyo waxa wasaaradda uga qorsheysan,sidoo kale su'aalaha wasiirka la weydiiyay waxaa ka mid ahaa shirkii Qurba joogta Soomaaliyeed ee dhowaan lagu soo gaba gabeeyay Magaaladda Dooxa ee caasimadda dalka Qadar iyo sidoo kale arinta dal ku galka wadamada Kenya iyo Hindiya.

Guddoomiye kuxigeenka guddiga ahna sii hayaha guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Aweys Xuseen Macalin oo kulanka soo xiray ayaa uga mahadceliyay xubnaha ka socday wasaaradda arrimaha dibadda oo uu wasiirka hogaaminayay ka jawaabista u yeeritaanka guddiga ,isaga oo sheegay in kulankan uu ahaa isla xisaabtan si uu guddiga wax uga ogaado shaqada wasaaradda arrimaha dibadda ay Qaranka u heyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM