Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo shaqadiisa u raray baraha bulshadda

Image
Wasiir Cabdirisaaq ayaa ka dambeeyay in dhawaan shaqada laga joojiyo Samiira Gaid oo lataliye ka ahayd Wasaarada Amniga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Batroolka iyo Macdanta C/risaaq Cumar Maxamed oo bartiisa X [Twitter-ka] ugu hanjabay Xildhibaan Abdullahi Aden Kulane [Kulane Jiis], isagoo ku yiri "Xasaanada Xildhibaanimo wax ugama sheegi kartid Madaxweyne Xasan Sheekh".

Kulane Jiis ayaa bartiisa X [Twitter-ka] soo geliyay muuqaal yar, oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku taageeray in dadka ehelka la ah ama qoyska Mas'uuliyiinta xilalka haya inay shaqooyinka ku qoran karaan.

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha inuu si cad u dhiira-galiyay eex iyo qaraaba-kiil.

Wasiirka oo Xasan Sheekh saaxiib dhaw yihiin ayaa aad uga carooday hadalka Kulane Jiis.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa ka dambeeyay in dhawaan shaqada laga joojiyo Samiira Gaid, oo wasaaradda amniga la-taliye ka ahayd kadib markii wax ka sheegtay dowladda Xasan Sheekh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM