Wasiirka difaaca & Taliyeyaasha Ciidanka oo hortagaya Guddiga difaaca
MUQDISHO, Soomaaliya - Gudiga difaaca ee Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta su'aallo waydiinaya Wasiirka Gaashaandhiga, Xassan Cali Maxamed [Amar Dambe] iyo Taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dowladda.
Xoghayaha Guddiga Difaaca ee Gollaha Shacabka, Xilldhibaan Saadaq Warfaa ayaa sheegay in mas'uuliyiintaan ay iyaga u yeereen si ay wax uga waydiiyaan dhacdooyinkii amni darro ee ugu dambeeyay ee ka dhacey Muqdisho.
Dhacdooyinka ayaa isugu jira dilal ay geysteen ciidamo ka tirsan milatariga dalka, kuwa ay geysteen kooxo hubeysan iyo qaraxyo, kuwaasi oo badankooda ay sheegeen Xilldhibaanada ay inay ka tahay fashilka dhinaca amniga ee xukuumadda.
Mid kamid ah dhacdooyinkii ugu naxdinta badnaa waxay ahayd mid lagu gubey kahor inta aanan lagu diley Falaar, nin lagu magacaabo Axmed Dowlo xili naf-goyntiisa loo aaney Heeb-sooc guur, kaasi oo qaybaha kala duwan ee Muqdisho ka caroodeen.
Baarlamaanka oo arrintaasi ka doodey waxay soo jeediyeen mudanayaasha qaarkood inay la sameeyo Hindisa-sharciyeed, kaasi oo ka hortagaya Heeb-sooca guurka salka ku haya.
Xoghaye Sadiiq Warfaa ayaa afka ku balaariyey in Wasiir Amar Dambe iyo Taliye Indha-qarshe ay wax ka waydiin doonan waxay kala socdaan arrimaan dhacey iyo waxa uga qorsheysan inay jawaab cad ay ka bixiyaan hay'addaha amaanka.
"Guddiga difaaca ee Gollaha Shacabka ayaa u yeeray wasiirka gaashaandhiga iyo taliyaha ciidamadda si aan wax uga waydiino dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacey Muqdisho," ayuu yiri Xilldhibaa Sadiiq Warfaa oo warbaahinta la hadley.
Amaanka Muqdisho oo baryihii dambe ahaa mid aanan ku jirin gacan suuban ayaa maalmihii lasoo dhaafey waxay kordhiyeen ciidamada Booliska howlgalada nabad-gelyada lagu sugayo, inkasta oo ay dhacayaan falalka amniga khal-khal gelinaya.
GAROWE ONLINE