Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga oo booqasho ku yimid Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi balaaran oo ka socda dowladda Turkiga oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga ee wadankaas, Hulusi Akar ayaa soo gaarey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, galabnimada maanta oo Arbaco ah.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa madaarka caalamiga ah ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiirka difaaca iyo xubno kale.

Soo dhawaynta kadib, wafdiga waxaa loos galbiyey gudaha magaalada, gaar ahaan dhinaca Madaxtooyadda, halkaasoo uu kulamo kula qaadan doonan mas'uuliyiinta ugu sareysa dalka.

Dhinacyadda ayaa la filayaa inay kawada hadlaan arrimo ku saabsan amniga iyo sidii loo xoojin lahaa cilqaadka dhanka ciidanka ee u dhaxeeya labadda dowladood oo uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan.

Dowladda Turkiga ayaa muddo dheer taageero dhinac kasta ah siinaysay dowladda Soomaaliyam waxaana ay sanadkii hore ka furatay duleedka Muqdisho Saldhiga ugu wayn oo ay ku leedahay meel ka baxsan dalkeeda.

Saldhigaas oo ku yaalla degaanka Jaziira ee duleedka Koonfureed ee Muqdisho ayaa waxaa tababar lagu siiyaa ciidamo Soomaali ah, kuwaasi oo loo diyaarinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Turkiga ayaa xiriir la leh Qadar, oo June 2017 ay xiriirka u jareen dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Bahrain iyagoo ku eedeeyay inay taageerto argagisadda, inkastoo Xukuumadda Doha beenisay eedeyntaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM