Wasiirka warfaafinta Somalia oo ka hadlay sharciga la ansixiyay [Dhagayso]

Image

30 December, 2015(GO)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta ka hadlay sharciga Barlamanka Somalia Asbuucan ku ansixiyay magalada Muqdishu, wuxuuna sheegay inuu soo dhaweynayo isagoo u mahadceliyay Xildhibaanadii ansixiyay.

“Waxaan u mahadcelinayaa  Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan Guddiga Warfaafinta ee Barlamanka oo runtii Xoog badan saaray  in ay kabaan sharcigii ka soo Gudbay Golaha Wasiirrada iyo Dhammaan intii ka soo shaqeysay diyaarinta sharcigaan” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Maareeye oo ka hadlay sida uu u arko sharcigan, ayaa tilmaamay inuu yahay mid wanaagsan isla markaana muddo dhan ilaa sagaal sano ku dhex wareegayay dhinacyada uu khuseeyo.

“ku dhawaad 9 sano ayuu ku wareegayay  Sharcigaan bahda uu quseeyo Sida Dowladda, Warbaahinta Madaxa bannaan ee Soomaaliyeed, Dhageystayaasha, kulamo Badan iyo wada-tashiyo kaddibna  ugu Dambayntiine waxa uu maray Sharcigaan in Baarlamaanka uu meelmariyo”

Mar uu soo hadal qaaday qaabka uu u samaysanyahay, waxa uu tilmaamay in ujeedooyinka xeerkani yahay mid loogu tala galay inuu hago hadafyada warbaahineed, dhawrista xuquuqda hadalka iyo dhiiri galinta warbaahinta gaarka loo leeyahay.

Wasiir Maareeyo oo ku dhawaad labaatan daqiiqo warfidiyeenka lahadlayay ayaa wariyaashu wax ka weydiiyeen qaar kamid qodobada uu ka koobanyahay sharciga la ansixiyay.

Sharciga Cusub ee Saxaafadda  Somalia ayaa dhawr jeer oo hore u baaqday arrimo la xiriira cabashooyin ka yimi warbaahinta Somalida, waxaana ugu dambayn lagu guulaystay in Todobaadkan dhexdiisa lagu ansixiyo fadhi Barlamanku ku yeesheen Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM