Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo eedeyn u jeediyay Puntland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdullaahi Goodax Barre, wasiirka waxbarashada xukuumada federaalka ah ayaa ku eedeeyay dowladda Puntland ay diiday ka qaybgalka Imtixaanka mideysan ee dalka.

Imtixaanka mideysan ee wadanka oo lagu wado in uu dhowaan bilowday ayaa waxaa la filayaa in ay sanadkaan u fariistaan kumanaan kun oo Arday oo u gudbaysay heerka Jamaacadda.

Mr Goodax Bare ayaa intaasi raaciyay in wasaarada Tacliinta Puntland ay kala hadleen sidii loo dhameyn lahaa arrintaan ayna qayb uga noqon lahayd Imtixaanka, balse wuxuu xusay in ay ku hun-goobeen.

"Sanadkii hore ayaan moodeynay in la xaliyey … balse wali way taagan tahay … wayna naga diideen in ay ka qaybgalaan … marka way isku tashan doonan wax kasta oo quseeya imtixaanka," wasiirka u seegay TV-ga dowladda.

Wasiirka ayaa ka digay khatar uu daboolka ka qaaday in ay ka dhalan karto arrintaan, taasi oo uu ku tilmaamay in ay tahay in ardayda Imtixaanka ku gasha Puntland aysan helin Shahaadooyinka dowladda.

Illaa io haatan kama aysan jawaabin dowlada Puntland eedaynta iyo hanjabaad ka timid wasiir Goodax Barre, oo sidoo kale ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Puntland, maamul jira in ka badan 20-sano, kaasi oo leh nidaam Waxbarasho iyo Manhaj ayaa si madax banaan u qaada Imtixaanada, iyada oo xukuumadihii talada isaga kala dambeeyay aysan walaac ka muujin arrinkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM