Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Dalalka Carabta oo taageeray Qaranimada Soomaaliya

Image
Taageeradan ayaa waxay kasoo baxdey shir ka dhacay magaalada Qaahira ee waddanka Masar.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa shir guddoomiyey kulan gaar ah oo heer Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Dalalka Carabta ee u xilsaaran taageerada Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira, iyadoo ay ka soo qayb galeen wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka ku jira guddiga taageerada Soomaaliya iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta.

Shirkan oo qeyb ka ahaa fadhiga 162-aad ee Shirka Jaamacadda Carabta ee heer Wasiirrada Arrimaha Dibedda, wuxuu xoogga saaray sidii loo xoojin lahaa garab-istaagga dalalka Carbeed iyo taageeridda Soomaaliya si loo difaaco madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Dalka.
Guddiga ayaa bayaan ay soo saareen si wadajir ah u xaqiijiyey inay taageersan yihiin Soomaaliya, waxayna gebi ahaanba ka digeen faragelinta shisheeye ama isku day kasta oo lagu waxyeelleynayo madaxbannaanida Soomaaliya.
Sidoo kale, Wasiirradu waxay ugu baaqeen wadamada deriska ah Gaar ahaan Itoobiya inay ka fogaato ficillada wax u dhimi kara xasilloonida Soomaaliya iyo mandiqadda ama waxyeeleyn kara Madaxbannaanida Dalka.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Baxrayn, Muritaaniya, iyo Masar oo ay weheliyaan Safiirka Jabuuti u fadhiya Masar iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa si wadajir ah u diiday heshiiskii beenaadka Itoobiya ay ku doonayso in ay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya damaaciso, ayagoo dhanka kalena mawqifkooda ku caddeeyey in Gobolada Waqooyi (Somaliland) ay yihiin qeyb ka mid ah Dalweynaha Soomaaliya.

Bayaankan wuxuu muujinayaa sida ay uga go'an tahay Jaamacadda Carabta iyo dowladaha xubnaha ka ah inay difaacaan oo ilaaliyaan Qaranimada Soomaaliya, iyadoo la raacayo mabaadi’da caalamiga ah ee faragelinta ka madax-bannaan iyo ilaalinta xuduudaha dhuleed

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM