​Wasiirrada Somalia oo ka hadlay shilka Daalo

Image

MUQDISHU- Kulanka joogtada ah ee golaha wasiirrada Somalia, ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay mid tahay shilkii dhawaan soo gaaray diyaaradda Daalo oo ka mid ah diyaaradaha ka shaqeeya Somalia. 

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia,  Cali Jamac  "Jangeli", ayaa golaha siiyey warbixin horudhac ah oo ka soo baxday shilkii diyaaradda Daallo, wuxuuna xusay in baaritaanka la sameeyay muujinayo tuhun u baahan khuburo caalami ah inay gacan ka gaysato baaritaanka xaaladdan. 

Ra’isul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Somalia, Maxamed Cumar Carte, oo kulanka shir gudoominayay,  ayaa xusay  in sida ugu deg-degsan looga sal gaari doono natiijada baaritaankan, isagoo balanqaaday in dawladdu adkeyn doonto amniga garoonka diyaaradaha Muqdishu, si looga hortago khatar walba oo imaan karta.  

Carte, ayaa sheegay baaritaan la sameeyey ka dib in Muwaadinka lagu magacaabo Cabdillaahi Cabdisalaam Boorle uu ku dhintay shilkaas, isla markaana ay ku dhaawacmeen labo muwaadin oo kale. 

Arrintan ayaa timi kadib markii Talaadadii lasoo dhaafay shil soo gaaray diyaaradda Daalo oo markaas ka duushay garoonka diyaaradaha Muqdishu iyadoo kusii jeeday xarunta dalka Jabuuti, balse qadar shan daqiiqo kadib kusoo laabatay garoonka diyaaradaha Muqdishu iyadoo dhaawac soo gaaray. 

Weli majirto xog rasmi ah oo ku aaddan waxa shilka diyaaradda sababay, laakiin warar ka soo baxay laamaha baaritaanka ku haya arrintan ayaa shaki galinaya ururka Al-Shabaab. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM