"Waxyaabaha DF qoriga ku raadineyso ee wadahadalka ay ku diidey"

Image

KISMAAYO, Jubaland – Inkastoo Beesha Caalamka ku adkeysaneyso ahmiyada ay leedahay wadahadal, Jubbaland ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay taas bedelkeeda "doorbiday qorri caaradiisa".

Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, wasiirka warfaafinta Jubaland, ayaa sheegay in dhankooda ay mar walba diyaar u yihiin in xal waara laga gaaro khilaafka kala dhaxeeya dowlada Farmaajo.

Xili uu u waramay warbaahinta maxaliga ah, wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyay Nabad iyo Nolol "in ay dhegaha ka fureysteen baaqyada nabadeed ee kaga imaanaya qeybaha bulshadda".

"Nin meeli ka cadahay meeli u madow, baa la yiri, Dowladda federaalka Soomaaliya waxaan xabad ahayn uma cadda," ayuu raaciyey.

Mar la waydiiyey "waxyaabaha ay qoriga ku raadineyso Dowladda isla markaana ay ku diidey wadaxaajood iyo is-maqal" ayuu ku qeexay "dowlad dhexe oo awood ah kana talisa madaxtooyo illaa iyo tuulo".

"Dowladdu waxay raadineysaa dowladdii hore ee Soomaaliya ka burburtay…dowlad dhexe xoog leh, ciidan leh amarkooda madaxtooyadda illaa tuulada isku xiran tahay," ayuu tibaaxay.

Nidaamka federaalka ee lagu heshiiyey ayuu cod dheer ku qeexay in ay kasoo horjeedaan madaxda haatan haysa taladda guud ee wadanka.

"Xoog in ay ku qabsato [wax kasta] oo sharciga ay baalmarto oo dowlad kalitalis ah in ay noqoto ayay dooneysaa, oo milatari ah," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiir Cabdi Xuseen.

Tan iyo markii Axmed Maxamed Islaam dib loogu doortay madaxweynaha Jubaland iyo wixii ka horeeyay, xiriirka u dhaxeeya Kismaayo iyo Villa Soomaaliya ayaa ahaa mid aanan wanaagsaneyn.

Qaramada Midoobay iyo Mareykanka oo madaxweyne Farmaajo ku booriyey in uu xaliyo khilaafka kala dhaxeeya maamulada qaar ayaa sheegay in ciidamada la geeyay Gedo ay yihiin "kuwa siyaasadeysan"

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM