Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shan Askari oo ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay xalay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Illo wareedyo dhanka amaanka ayaa ku waramaya in weerarka ay Al-Shabaab ku qaateen saanad fiican oo isugu jira Hub, Dhar iyo Qoryaha culus, kuwaasoo yiilay goobta uu weerarku ka dhacay oo ahayd meel ay ciidanku ku lahaayeen Joogitaan xoogan.

Dhanka kale, xogooga Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday tuuladda Saabuun oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, gaara ahaan Saldhig ay ciidanka xooga ku leeyihiin halkaasi, taasoo dhalisay dagaal fool ka fool ah, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Ma cadda khasaaraha weerarkaan ka dhashay, balse, warar lagu qoray Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu qoray inay ku dileen tiro Askar ah oo ka tirsan Milatariga dalka, ayna jiraan khasaaro dhaawac oo soo gaaray Askarta.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xooga oo xaqiijiyey weeraradaan ayaa ka gaabsaday inay xaqiijiyaan dhimashadda Askarta, waxayna tibaaxeen inay ku wadaan baaris ayna dib kasoo fahfaahin doonan khasaaraha guud ee ciidamada kasoo gaarey.

Weeraradaan ayaa imaanaya xili guud ahaan degaanada iyo degmooyinka ka tirsan goboladda dalka ay ka socdaan Guluf balaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasoo lagu beegsanayo Saldhigyadda kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni: Soomaaliya waxay u baahan tahay taageeradii la siiyay Uganda xiligii Idi Amin

Shirweynahan ayaa sidoo kale ka qaybgalay madaxda kale ee Afrika, oo ay ku jiraan Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti.

  • Soomaliya

    26-04-2025

  • 01:13PM

Cadaadis Saaran Midowga Afrika Kadib Hubanti la'aan soo wajahday Howlgalka Soomaaliya

In la kordhiyo tirada ciidamada AUSSOM ugu yaraan 8,000 askari si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro Al Shabaab.

  • Soomaliya

    26-04-2025

  • 10:34AM