Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shan Askari oo ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay xalay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Illo wareedyo dhanka amaanka ayaa ku waramaya in weerarka ay Al-Shabaab ku qaateen saanad fiican oo isugu jira Hub, Dhar iyo Qoryaha culus, kuwaasoo yiilay goobta uu weerarku ka dhacay oo ahayd meel ay ciidanku ku lahaayeen Joogitaan xoogan.

Dhanka kale, xogooga Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday tuuladda Saabuun oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, gaara ahaan Saldhig ay ciidanka xooga ku leeyihiin halkaasi, taasoo dhalisay dagaal fool ka fool ah, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Ma cadda khasaaraha weerarkaan ka dhashay, balse, warar lagu qoray Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu qoray inay ku dileen tiro Askar ah oo ka tirsan Milatariga dalka, ayna jiraan khasaaro dhaawac oo soo gaaray Askarta.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xooga oo xaqiijiyey weeraradaan ayaa ka gaabsaday inay xaqiijiyaan dhimashadda Askarta, waxayna tibaaxeen inay ku wadaan baaris ayna dib kasoo fahfaahin doonan khasaaraha guud ee ciidamada kasoo gaarey.

Weeraradaan ayaa imaanaya xili guud ahaan degaanada iyo degmooyinka ka tirsan goboladda dalka ay ka socdaan Guluf balaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasoo lagu beegsanayo Saldhigyadda kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM