Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay nawaaxiga Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo Askari oo katirsanaa ciidamada xoogga dalka, ayaa lagu dilay kuwa kale waa lagu dhaawacay weerar ka dhacay nawaaxiga magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa waxa yimid kadib markii xoogag hubaysan, oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Al Shabaab ay jidka u galeen Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada dowladda Federaalka Soomaalia.

Ciidamadan oo ka baxay Muqdisho, kuna sii jeeday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa la kulmay weerar gaadmo ah, kaasi oo looga dilay labo Askari, kuwa kalena uga dhaawacmeen.

Saraakiisha Militeriga ayaa waxay sheegeen in ciidanka ay sameeyeen iska-caabin, iyagoo dagaal kooban la galay dagaalyahanadii soo weeraray, islamarkaana ay sii wateen socdaalkooda dhanka gobolka.

Wadada dheer ee xariirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay weerarada gaadmada ah iyo qaraxyada miino, ee lagu qaado Kolonyada ciidamada DFS iyo AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM