Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay nawaaxiga Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo Askari oo katirsanaa ciidamada xoogga dalka, ayaa lagu dilay kuwa kale waa lagu dhaawacay weerar ka dhacay nawaaxiga magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa waxa yimid kadib markii xoogag hubaysan, oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Al Shabaab ay jidka u galeen Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada dowladda Federaalka Soomaalia.

Ciidamadan oo ka baxay Muqdisho, kuna sii jeeday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa la kulmay weerar gaadmo ah, kaasi oo looga dilay labo Askari, kuwa kalena uga dhaawacmeen.

Saraakiisha Militeriga ayaa waxay sheegeen in ciidanka ay sameeyeen iska-caabin, iyagoo dagaal kooban la galay dagaalyahanadii soo weeraray, islamarkaana ay sii wateen socdaalkooda dhanka gobolka.

Wadada dheer ee xariirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay weerarada gaadmada ah iyo qaraxyada miino, ee lagu qaado Kolonyada ciidamada DFS iyo AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM