Weerar culus ka dhacay Shabeellaha Dhexe [Fahfaahin]

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Weerarka oo loo adeegsaday Qarax ayaa lagu eegtay degaanka Golaley ee gobolka Shabeellaha Dhexe Kolanyo ay la socdeen Askar ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Dadka degaanka ayaa tilmaamay in Qaraxa oo ka dhashay Miino dhulka lagu aasay ay haleeshay mid kamid ah baabuurka gaashaaman ee AMISOM, inkasta oo aanan la hubin khasaaraha ka dhashay.

Kolanyadda weerarka la kowdsaday ayey tibaaxeen dadka degaanka inay kasoo kicitameen Magaaaladda Jowhar ee xarun goboleedka Shabeellaha Hose iyo maamulka HirShabelle, ayna kusoo jeedeen caasimadda dalka ee Muqdisho.

"Ciidamo AMISOM ah oo kasoo baxay Magaalada Jowhar ayaa Miino kula kacday Golaley. Mid kamid ah baabuurtooda ay qabsatay. Ma ogin hadii ay dhimasho ama dhaawac jirto," qof kamid ah dadka degaanka ayaa yiri.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa waxay dhabarka saaratay masuuliyadda falkaan, iyaga oo ka sheegtay guulo, inkasta oo aysan cayin khasaaraha uu weerarku geystay.

Taliska guud ee howlgalka nabad-illaalinta Soomaaliya ee AMISOM, iyo midka gobolka Shabeellaha Hoose oo si kooban ula hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay inay qiimayn ku wadaan weerarka.

Inta badan wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar waxaa ka dhaca falal liddi ku ah amaanka, kuwaasoo weeraro lagula beegsado cutubyadda ka tirsan howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd kadib markii weerar qarax iyo dagaal toos ah lagu eegtay ciidamo ka tirsan AMISOM degaan ku dhow Buulamareer, halkaasoo khasaaraha ka dhashay aanan la ogayn.

Weeraradaan gaadmadda ah ayaa dhacaya xili dhowaan howlgalka AMISOM uu ku dhawaaqay inay kordhinayaa Gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab si degaanada ku hoos jira maamulkooda looga saaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM