Weerar dhismaho sababay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa weerar qorsheysan ku qaadey Saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Jaziira oo dhaca Koonfurta Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen Dadka deegaanka.

Weerarka oo kala dhacay labo waqti oo kala duwan ayaa kan hore waxaa lasoo wariyay Xalay saqdii dhexe, halka midka kale la sheegay inuu dhacay Barqinimadda maanta oo axad ah, islamarkaana uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ku dileen Afar Askari oo ka tirsan ciidamadda xooga dalka, kadib markii dagaal xoogan oo saacado socday ay kula galeen Saldhiga ku yaala deegaanka Jaziira ee duleedka Magaalo madaxda dalka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada Milatariga dalka Soomaaliya, iyo Wasaaraddaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhiga. Balse, mas'uuliyiin si hoose ula hadlay Warsidaha Garowe Online waxay sheegeen inay wadaan Baaris.

Dadka degaanka ayaa tilmaamay inay maqlayeen daryenka iyo Jugta Rasaas culus oo labadda dhinac isdhaafsanayeen, islamarkaana ay socotay rasaasta wax ku dhow Hal saac.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmayaa saacado uun kadib markii war kasoo baxay Taliska ciidamada xooga dalka lagu sheegtay in howlgalo ay ka sameeyeen qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose ay ku burburiyeen Saldhigyo Al-Shabaab.

Maalmihii u dambeeyay gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka dhacayay dagaalo khasaarooyin kala duwan dhalinayay, kuwaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo Al-Shabaab, xili mas'uuliyiinta dowladda sheegayaan inay Shabaab cagta marin doonaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM