Weerar ka dhacay duleedka Kismaayo [Akhari Fahfaahinta]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan dagaal saacado badan socday oo ciidamada dowladda, kuwa Jubbaland iyo AMISOM oo kaashana kuwa Mareykan ah ay weerareen fariisin Al-Shabaab ku leedahay duleedka Magaalada Kismaayo.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka huwanta ah ay ku qaadeen deegaankaas howlgal qorsheysan, kaasoo ay ku sheegeen inuu ahaa mid Al-Shabaab uga xoreynayaan goobaha ay kaga sugan yihiin gobolka.

Fariisinka Al-Shabaab oo ku yaala deegaan u dhaxeeya tuulooyinka Gaban iyo Baar-sanguuni, ee gobolka Jubbana Hoose, ayaa waxaa leysku adeegsaday dagaalka Hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada huwanta ayaa waxaa u suuragashay inay Al-Shabaab dagaalka uga awood roonaadaan, islamarkaana ay gacanta ku dhigaan deegaanka, sida ay kusoo waramayaa dadka deegaanka iyo saraakiisha Jubbaland.

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Jubbaland, ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online inay ku dileen dagaalka Afar kamid ah dagaalyahanada Al-Shabaab, islamarkaana ay ku dhaawacmeen in ka badan Tobban kale, siday hadalka u dhigey.

Waxuu qiray in dhankooda uu jiro khasaaro soo gaarey, kaasi oo uu kusoo koobay inuu yahay dhaawac oo gaarey dhowr Askari, balse, aanu jirin wax dhimasho oo soo gaarey.

"Kaliya afar askar oo Soomaaliya ah ayaa nooga dhaawacantay dagaalka, oo aan inaga ku qaadnay, waxaana ku qabsanay Tuuladda, hadda inaga ayaa joogno," ayuu yiri Sarkaalkan oo magaciisa ka gaabsadey.

Wali ma jiro wax war ah oo ku saabsan dagaalkaan oo dhanka Al-Shabaab kasoo baxay, balse, wuxuu imaanayaa iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay ciidamada dowladda halkaas ka wadeen dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaa inay ku weeraraan Al-Shabaab.

Lama oga hadii ciidamada dowladda ay baaqi kusii ahaan doono deegaanka ay hada gacanta ku dhigeen iyo in kale, maadaama looga bartay in marka ay meel qabsadaan isaga soo baxaan, iyagoona aalaaba sababta ku sheegay inay tahay "xeelad ciidan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM