Weerar ka dhacay duleedka Muqdisho [Fah-faahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraray fariisin ay ciidamada Dowladda gaara ahaan kuwa NISA ku leeyihiin deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho, maanta oo Isniin ah.

Dagaal fool ka fool ah ayaa lagu soo waramayaa inuu halkaas ka dhacay, kaasoo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kana dhashay khasaaro isugu jira dhimash iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaan ku dhintay saddex ruux oo isugu jira labadda dhinac, sida uu warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay Goobjooge ku sugan meesha ay wax ka dhaceen.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dagaalka oo kasoo baxay Al-Shabaab, oo weerar ka lamid ah xalay kusoo qaadey barta Koonatrool ee NISA ku leeyihiin Siinka Dheer, kaasi oo socday wax ka badan saacad.

Saraakiisha amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaa sheegey in dableyda hubeysan ee weerarka kusoo qaaday ay iska difaaceen islamarkaana ay gaarsiiyeen "Jug culus" sida ay hadalka u dhigeen.

Deegaanka Siinka Dheer oo kamid ah meelaha laga soo galo Muqdisho marka ay laga yimaado Gobollada Baay, Bakool iyo Shabellaha Hoose, ayaa waxaa amaankeeda uu ahaa mid aad u adag maalmihii u dambeeyay.

Weerarada is-daba joog ah ayaa qeyb ka ah kuwa ay Al-Shabaab fulineyso inta lagu guda jiro bishaan Ramadan, iyadoo kooxda ay doonayso inay meesha ka saarto dowladda uu caalamka aqoonsan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya ka hadashay qorshaha Masar ee Ciidamada ku keenayso Soomaaliya

Xiisadda cusub waxay kusoo beegmaysaa xilli uu weli taagan yahay muranka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 11:52AM

Cabdirisaaq Khaliif: Firdhiye wuxuu katirsan yahay xisbiga Xasan Sheikh, DFS ayaana dhisaysa

Cabdirisaaq ayaa si xooggan u beeniyay warar sheegaya in ololihiisa doorashada uu ka helayo taageero maamulada Somaliland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 08:28AM