Weerar ku bilowday qarax ismiidaamin oo lagu galay SYL Hotel

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa illaa haatan hal eray ka oran weerarkan bilowday abaare 10:00 pm Waqtiga Geeska Afrika.

MUQDISHO, Soomaaliya –Al-Shabaab ayaa weerar ku bilowday qarax is-miidaamin ku gashay SYL Hotel oo ku yaalla xayndaabka aadka loo ilaaliyo ee Madaxtooyadda Soomaaliya, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo baarlamaanka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan wali hal eray ka oran weerarka dableyda Al-Shabaab ku galeen SYL Hotel ee magaalada Muqdisho kaas oo ay kasoo wareegatay abaare afartii caweysnimo ee habeenkii Khamiista.

Warar laga helay laamaha amniga ayaa tirada kooxda hubeysan ee ku hooyatay dhismaha ku sheegay illaa afar uuna jiro dhimasho iyo dhaawac. Tobanaan mas’uuliyiin ayaa badbaadey qaarna waxyeeloobay.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Farxaan Jimcaale ayaa la xaqiijiyey inuu kamid yahay dadka dhaawacmay loona qaaday Isbitaalka Erdogan. Sidoo kale, tobanaan Xildhibaano ah ayaa waxyeeloobay.

Sidoo kale, Wariye Xasan Cadde oo ah guddoomiyaha Shabakadda Warbaahinta SMS ayaa la sheegay in uu ka mid noqday dadka waxyeello ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday Hotel SYL ee agagaarka Madaxtooyada.

Weerarkan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli nabad-gelyadda caasimadda ay sugneyd dhowrkii bilood lasoo dhaafay. Balse, falkan wuxuu imaanayaa iyadda oo ay jiraan xiisado siyaasadeed oo ka dhashay dastuurka.

SYL Hotel ayaa kamid ah meelaha ay aadka u degan yihiin mudaneyaasha baarlamaanka federaalka gaar ahaan xubnaha kasoo horjeeda furitaanka Dastuurka, waxaana qaarkood soo gaarey dhaawacyo fudud oo laga daaweynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM