Weerar lagu dilay Askari ajnabi ah oo ka dhacay Hiiran

Image

JALALAQSI - Weerarka oo loo adeegsaday Qarax nooca miinadda dhulka lagu aaso ah ayaa waxa uu ka dhacay duleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka iyo Goobjoogayaal.

Kolanyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika, gaara ahaan kuwa kasoo jeedda dalka Jabuuti ayaa inta la hubiyay waxaa ku dhintay Labo askari oo Soomaali iyo Jabuutiyaan ah.

Dadka degaanka ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in qaraxa oo ahaa mid xoogan sidoo kale uu jiro khasaaro dhaawac oo ciidanka soo gaarey, wallow aanan la xaqiijin karin tirada saxda ah.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in Kolanyadda weerarka qaraxa ah la kowsaday ay la socdeen saraakiil Soomaali iyo Jabuutiyaan isugu jira oo howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka tirsan.

“Qaraxa wuxuu ahaa mid xoogan. Aniga waxaan arkay labo Askari oo mid Soomaali yahay iyo mid dharka AMISOM ku labisan oo meyd ah, dhaawacna wuu jiraa,” ayuu yiri Goobjooge u waramay Warsidaha GO.

Masuuliyiinta gobolka Hiiraan iyo kuwa degmadda ayaa ku eedeeyay weerarkaan inay ka dambeysay Al-Shabaab, inkasta oo ay ka gaabsadeen inay xaqiijiyeen dhimashada Askari Jabuutiyaanka ah.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaan, balse, kooxda gacan-saarka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab ayaa inta badan dhabarka saarata falalka noocaan ah ee ka dhaca degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka.

Horaantii bishaan ayey ahayd markii Qarax miino lagula eegtay ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM duleedka magaaladda Jalalaqsi, kaasoo masuuliyadiisa ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM