Weerar lagu qaadey saldhiga ugu weyn Mareykanka ee Somalia

Image

MUQDISHO, Somalia - Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar madaafiic ah ku qaadey saldhig militeri oo ciidamada Mareykanka ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose, ee Koonfurta Somalia.

Dhowr hoobiye ayaa lagu tuurey saldhiga Ballidoogle, oo ay degan yihiin ciidamada Mareykanka halkaas oo la rumeysan yahay inay ka duulaan diyaaradaha drones-ka ee duqeymaha ka fuliya degaanada Al-Shabaab maamusho.

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in khasaarooyin uu ka dhasheen duqeynta lagu qaaday garoonka Melleteriga Ballidoogle, inkastoo aan la xaqiijin halka uu la egyahay khasaaraha.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Africa - AFRICOM kaasoo dusha kala socda howlgallada ciidamada American-ka ee qaaradda, gaar ahaan Somalia.

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Somalia ayaa intooda badan waxay degan yihiin, oo ay ka howlgalaan saldhiga Ballidoogle, halkaasi waxaa sidoo kale la degan ciidamada dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa DANAB, oo ay iyagu tababareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal culus iyo qaraxyo gaadiid ah kadib Al-Shabaab oo la wareegtay Moqokori

Waa degmadii labaad oo dowladda laga saarey tan iyo horaantii sanadkan, taasoo dhabar-jab ku ah maamulka Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    07-07-2025

  • 01:23PM

Maraykanka oo laga yaabo inuu wadahadallo la furo Al-Shabaab

Ujeeddada kulamadaas, ayuu sheegay, waa in la ilaaliyo danaha Maraykanka iyo in shacabka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    07-07-2025

  • 07:20AM