Weerarka huteelka Kismaayo: Suxufiyiin kamid ah dadka la dilay

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Gaari walxaha qarxa lagu soo rakibay ayaa Jimcada maanta ah lagu weeraray huteel ku yaala magaalada xeebta ah ee Kismaayo, halkaasi oo odayaal iyo Xildhibaano ay uga hadlayeen doorashada soo aadan.

Sidda uu sheegay taliska bileyska, qaraxa kadib waxaa xigay iska hor-imaad dhex-maray dabley iyo ciidamadda ammaanka ee ilaalada ka hayey huteelka.

Al-Shabaab, kooxda gacansaarka la leh shabakadda weyn ee Al-Qaacida, ayaa durba waxay dusha saaratay mas'uuliyadda weerarkan is-miidaaminta ah.

"Qaraxa wuxuu ka dhacay huteelka Cas-casey oo ku taala bartamaha Kismaayo. Rasaas ayaana xigtay. Odayaasha dhaqanka iyo Xildhibaanada ayaa kulan-sanaa. Wali ma cadda khasaaraha," ayuu yiri, Maxamed Cabdi, sarkala boolis.

Cabdicasiis Abuu Muscab, afhayeenka dhanka howlgaladda ee dagaalameyaasha Al-Shabaab, ayaa tilmaamay in xoogagooda ay gudaha u galeen huteelka.

"Dad badan way ku dhinteen gudaha huteelka oo uu ku jiro mid cadaan ah," ayuu yiri Muscab oo u waramay wakaaladda wararka Reuters.

Huteelka la beegsaday ayaa waxaa aalaaba degga dadka ka yimaada qurbaha, mas'uuliyiinta Jubbaland iyo shaqsiyaadka caanka ah ee magaaladda ku nool.

Ku dhowaad ruux oo ay ku jiraan; wariyeyaal madax banaan, nabadoon ganacsade iyo shaqsi kale oo ka shaqeeya arrimaha gargaarka ayaa ku geeriyootay qaraxa oo jugtiisa si weyn loo maqlay.

Magacyadda marxuumiinta ayaa nan weli lasoo bandhigin.

Al-Shabaab oo Muqdisho laga saarey sanadkii 2011-kii ayaa waxay tan iyo xiligaasi sidaan oo kale weeraro uga geysaneysaa qaar kamid ah caasimadaha gobolada.

Kooxdan ayaa sidoo kale waxaa Kismaayo laga xoreeyay 2012-kii. Magaaladan oo leh dekad ayaa waxay kooxdu ka heli jirtay dakhli fara badan iyo weliba sharci daradda ah oo looga soo dejin jiray.

Marka laga soo tago Kismaayo, qaybaha kale ee maamul goboleedka Jubbaland ayaa weli baaqi kusii ah maamulka gacanta ururka Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadda oo caasimada ay isku diyaarineyso doorashadda madaxweynaha iyo tan baarlamaanka oo loo muddeeyay bisha soo aadan ee Agoosto, taasi oo si weyn isha loogu hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM