Weerarkii Gaalkacyo oo lasoo afjaray iyo Khasaaraha kordhay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah iyo weerar toos ah oo lagu qaadey xarun diimeen ku taalla magaalada Galkacayo, qaybta ay ka maamusho Galmudug, saacadihii hore ee saaka.

Weerarka ayaa ku billowday qarax gaari oo lagu dhuftay albaabka xarun la sheegay inuu ku sugnaa nin la sheegay inuu u gefay diinta Islaamka, oo lagu magacabi jiray Cabdiweli Cali Cilmi Yare, kaasi oo goobta lagu dilay.

Saraakiisha amniga ayaa xaqiijiyay in qaraxa albabaabka kadib, ay rag hubeysan oo lagu qiyaasay illaa 4 ay gudaha u galeen dhismaha oo ahaa mid si aad ah loo ilaalinayay, kadibna toogasho wadareed ku dileen dadkii halkaasi ku jiray.

Inta la xaqiijiyay 20 ruux, oo ay ku jireen Cabdiweli Cali Cilmi Yare, Xaaskiisa iyo 17 kamid ahaa xirtiisa ayaa ku lagu dilay weerarka, kaasoo mas'uuliyadiisu sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada amaanka ayaa ka jawaabey weerarka, oo gaarey goobta, iyagoo halkaasi ku dilay 3 kamid ah kuwii xarunta soo weeraray ee gudaha u galay waxaana sidoo kale nolosha ay ku qabateen hal nin.

Al-Shabaab ayaa sheegay inn sababta ay u beegsatay Cabdiweli Cilmi, oo ahaa hogaamiye diimeen khilaaf ka taagnaa ay tahay inuu Nebi-nimo sheegtay.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Galmudug, Cabdirashiid Xaashi ayaa u sheegay warbaahinta in weerarkaan uu dhacay kadib markii dhowr jeer Al-Shabaab digniino u soo dirtay Cabdiweli.

Weerarka lagu khaarijiyay Cabdiweli Cali Cilmi Yare ayaa imaanaya iyadda oo nabad-gelyada Galkacayo ay deganeyd mudooyinkii dambe, islamarkaana ay ka howlgalayaan magaalada ciidamo isku dhaf ah.

Maamulka Galmudug illaa iyo haatan kama aysan hadlin weerarkaan oo si lamid ah, kusoo beegmaya xili dhowaan gobolka ay ka dhaceen duqeymo xoogan oo lagu dilay in ka badan 50 dagaalame oo Al-Shabaab ka tirsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM