Weerarkii maleyshiyadda AS ku qaadey Hotel SYL oo lasoo afmeeray

Image
Waxyeeladda dhaawaca waxaa kamid ah mas'uuliyiin ay kamid yihiin Xildhibaano.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamadda Soomaaliya ayaa soo afjaray weerarkii Al-Shabaab ee Hotelka SYL oo kaabiga ku haya Villa Soomaaliya, waxa ay wada toogteen dhamaan kooxihii ka dhax dagaalamayey dhismaha.

Khasaare kala duwan oo illaa iyo hadda aan la xaqiijin inta uu le'egyahay ayaa ka dhashay falkan. Waxyeeladda dhaawaca waxaa kamid ah mas'uuliyiin ay kamid yihiin Xildhibaano.

Weerarkaan ayaa habeenkii xalay ku bilowdey baabuur qarax laga soo buuxiyey oo ka soo gudbey barihii kontroolada dowlada oo aheyd in laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada.

Dabley hubeysan ayaa, sidda xogto sheegeyso ka soo boodey dhabarka dambe ee Hotel-ka halka loo yaqaan beerta Nabada iyadda oo mid kamid ah is qarxiyey.

Sida Garowe Online ka heley qaar kamid ah saaraakiisha ciidamadda, dagaalka kooxdaas iyo ciidamada ayaa socday ilaa xalay.

Weerarka lagu qaadey Hotel SYL ayaa sida xoggo lagu kalsoon yahay sheegayaan imaabaya xilli khilaaf siyaasadeed iyo mid dhinaca dhaqaalaha u dhexeeyo madaxda hay’adaha amniga kuwaaas oo qaar garab ka haystaan Madaxtooyada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM