Weerarkii Muqdisho iyo sida DF iyo Al-Shabaab uga hadleen [Fahfaahin Cusub]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa warar kala duwan kasoo saarey weeraarkii ka dhacay wadada Makka Al-Mukarama xilli khasaaraha uu wali soo kordhayo.

Weerarka ayaa lagu tilmaamay midkii mudada ugu dheer qaata oo Al-Shabaab ku gasha dhismo ku yaalla Muqdisho tan iyo markii magaaladda laga saarey sanadkii 2011-kii.

Rag hubeysan oo lagu qiyaasay 3 illaa 4 ayaa galay guri dabaq ah, oo shacab ay degan yihiin, kadib markii laga soo caabiyay oo u suurta gali waysay inay gudaha u galaan Hotel-ka Makka Al-Mukarama habeenkii Khamiista, saacaduna ahayd 9:00 p.m.

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab, oo lagu magacaabo C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in 4 dagaalyahan uga dhinteen weerarka, islamarkaana kuwii kale ay iyagoo bad-qabo dib ugu laabteen halkii ay ka yimaadeen markii hore.

Weerarka ayaa ku billowday qarax culus oo afaafka hore ee Hotel Makka Al-Mukarama lagu qarxiyay, kaasi oo xigay dabley hubeysan oo qabsaday dhismo ku dhaw hotel-ka halkaasoo ay mudo 22 saacadood ka dagaalamayeen.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay xalay in weerarka lasoo afjarey, iyadoo aan bixin macluumaad ku saabsan tirada raggii meesha galay iyo halka ay ku dambeeyeen, nolol iyo geeri.

Khasaaro culus oo naf iyo maalba leh ayaa ka dhasay weerarka, iyadoo dhimashada ay hadda mareyso 30 qof, oo shacab ah, iydoo ay jiraan ku dhawaad 100 ruux oo ku dhaawacmay.

Meesha uu weerarka ka dhacay ayaa wali xiran, oo uu ka socda howlo lagu baadi goobayo meydadka dad ku hoos-jira dhismayaasha soo dubay.

Booliska Soomaaliya oo hadda gacanta ku haya mas'uuliyadda amniga caasimadda, ayaa ku guul-dareystay inay kahor tagaan baabuurta qaraxyada loo adeegsaday inay so galaan Magaaladda.

Waxay sidoo kale ciidamada booliska ku fashilmeen howlgalka samatabixinta iyo dilka dableyda hubeysan ee ku jirtay dhismihii ay qabsadeen, iyadoo ay kala wareegeen ciidamada gaarka ee Gaashaan. [Halkan ka akhri warka].

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay gaabis dhinaca amniga, iyadoo wax-qabadkeeda noqday cambaareyn, baaritaan iyo daadweynta shacabka weerarada argagaxisada ku dhawaacma.

Khubarada amniga ayaa sheegay in amaanka caasimadda aan laga sugi karin gudaha magaaladda in bara-koontarool la dhigo iyo ciidamo badan, balse ay u baahan tahay qorsho kahor-tag ah, sirdoon xooggan iyo in Al-Shabaab laga sifeeyo gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, oo la rumeysan yahay in laga soo abaabulo weerarada.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Xamse oo ogolaadey hub loo diray Laascaanood, xilli cabsi laga qabo dagaal

Arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka sii fidaya ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:50PM

Ciidamo gadood ka sameeyay Muqdisho iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay niyad-jabka iyo tabashada gudaha ciidanka dowladda.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:14PM