Xaaf oo "difaacanaya" kursigiisa wallow uu cadaadis kala kulmayo DF

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa si adag waxa uu uga fal-celiyey hadaladii kasoo yeeray Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hogaamiyaha dalka.

Farmaajo, oo ka qaybgalay munaasabada xuska Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed, ayaa ku sifeeyay Xaaf "bukaan diiday dawadii loo qoray", isaga oo kala jeeday in xalka Galmudug uu qaadacay Xaaf.

Xaaf oo Nairobi kula hadlay Jaaliyadda Galmudug halkaasoo uu ka jeediyey erayo u muuqda in ay jawaab u yihiin hadalkii Farmaajo ayaa ku eedeeyay xukuumada ay farogelineyso maamulkiisa, "taasoo keenaysa natiijo aan fiicneen".

Villa Soomaaliya oo kala qayb-bisay hogaanka Galmudug kuwasoo haatan ku kala shaqeeya Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa ka dhigatay ajande siyaasadeed oo ay ku owr-kacsato markay timaado xalka.

Arrinta ugu wayn ee la isku hayo ayaa waxay tahay xil-heynta Xaaf taasi oo dowladdu sheegayso in ay ku eg-tahay bisha Janaayo halka dhinaca kale uu leeyahay afarta sano ee soo aadan ayaan sii shaqeynaynaa.

Madaxweyne Xaaf oo si cad ugu goodiyey maamulka Farmaajo oo doonaya in uu daaqada ka saaro doorashada soo aadan ayaa wuxuu wacad ku maray in uu dagaal u geli doono sidii uu kurgisiisa u daafacan lahaa.

"Dowladda Federaalka ah sidii dowladdii hore u duntay ayay u dumeysaa … Shirkii Carta ayaa feynuustii laga soo qaaday, feynuustaasi hadba waa la dheereynaayay. Markii la rabay in ay [si fiican ifto] waa la damiyey. Way sii dameysaa hadda. Wadnaha waxaa iiga haya in Xamar dhibaato ka dhacdo, aniga ma jecliyee. Dhibaatada hadii la kiciyo lama dejin karo. Hadaad kicisana waxaa lagaa rabaa in aad dejin karto. Saan u jeedo way noqoneysaa in la gaaro in gedaarka la isaga daato, waana laga yaabaa in ay noqoto, wax badan in ay halaabaan baa laga yaabaa. Koley in ay caradu jirto, waan dagaalameynaa, waana ordeynaa, waxba nagama qaadi karaan, ismaba gaarnoba," ayuu yiri.

Hadalka Xaaf oo u muuqda mid isku diyaarinaya iska caabin hubeysan ayaa aragtiyo kala duwan laga bixiyey. Qaar waxay ku sheegeen in uu ku muujinayo in aan si fudud lagu dhaafi karin, wallow kuwa kalena ay ku dhaliileen.

Madaxweynaha Galmudug ayaa u dhoofay magaaladda Nairobi, caasimada Kenya, kadib markii uu fashil kusoo dhamaaday Shirkii Garowe ee maamulada, kaasi oo qodobo dhowr la isku mari waayey. [Halkaan ka akhriso]

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM