Xaaf oo la sheegay in uu "la heshiiyey" hogaanka cusub ee Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Hogaanka cusub ee maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in ay "la heshiiyeen" Axmed Ducaale Geelle [Xaaf].

Cali Ciid, madaxweyne ku xigeenka Galmudug garabka Villa Soomaaliya, ayaa tilmaamay in "la xaliyey tabashooyinkii Xaaf".

Isagoo wareysi gaar ah siiyey Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, wuxuu daboolka ka qaadey in xalka lagu dhawaaqi doono, dhowaan.

Hadalka Ciid ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii Ahlu Sunna ay hubka ku wareejisay Dowladda kuna tanaasushay siyaasadda.

Xaaf, oo aan wali ka jawaabin hadalka Ciid, ayaa ku sugan koonfurta magaaladda Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug. 

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka ayaa carabka ku adkeeyay in ay socoto qaban-qaabada "caleema saar loo wada dhan yahay".

"Hadii uu Ilaahey raali ka noqdo waxaan rajeynaynaa in caleema saarka uu noqdo mid ay garbaheena taagan yihiin madaxdii naga soo horjeeday," ayuu ku nuux-nuux saday Mr Cali Ciid.

Doorashadii ay dowladda Soomaaliya ku qabatay Dhuusamareeb ayaa sii kaa fogeeyay saamileyda, oo ayiday baahida loo qabo is-maqal iyo wadahadal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymo Mareykanku Ka Fuliyey Buuraha Calmiskaad Oo Lagu beegsaday Daacish

Mas’uuliyiinta militari ee Puntland ayaa tilmaamay in howlgalka ka dhanka ah ISIS uu marayo gebogebadii.

  • Soomaliya

    03-06-2025

  • 10:53AM

Mucaaradka oo la kulmay Beesha Caalamka – Xiriirka Qoraalka Xasan Sheekh iyo Kulanka?

Wararka ayaa sheegaya in qoraalkii shalay kasoo baxay Madaxweyne…

  • Soomaliya

    02-06-2025

  • 02:30PM