Xafiiska Khayre oo la wareegay diiwaan-gelinta Ciidanka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafiiska ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa si buuxda ula wareegay maamulida diiwaan-gelinta ciidanka, sidda uu ogaaday warsidaha Garowe Online.

Wasaaradaha Maaliyadda, Amniga Gudaha ayaa Holwadeenada xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ku wehli doonan shaqada oo socota tan iyo bilowgga sanadkii hore.

Tani ayaa loo sababay markii xafiiska madaxwayne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku guuldareystay arrinkaasi, inkasta oo ay ugu yaraan gaarsiiyeen howsha meel wanaagsan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Khayre uu isaga codsaday in lagu soo wareejiyo maamulka diiwaan-gelinta ciidamada oo qayb ka ah dib u habayn lagu sameynayo hay’addaha amaanka.

Khayre oo ay xukuumadiisa ku fashilantay sugida amniga caasimada ayaa xafiiskiisa waxa uu horey u maamulayay mashruuca lagu dhisay ciidamada xasilinta caasimada.

Ciidanka Xasilinta oo loo aas-aasay Ramadaantii lasoo dhaafay ayaa markii ay ku guuldareysteen adkaynta nabad-galyada Muqdisho waxaa iyaga iyo NISA lagu biiriyay taliska Booliska.

Sidda laga soo xigtay warbixin kasoo baxday xukuumadda, illaa iyo haatan waxaa la diiwaan-geliyay in ka badan saddex kun, iyada oo wadarta guud ee ciidamada lagu sheegay 15-kun.

Ra'iisul Wasaare Khayre oo dhowaan u socdaalaya Mareykanka ayaa la filayaa in uu arrimaha diiwaan-gelinta ciidanka iyo halka ay wax marayaan uga warbixiyo beesha caalamka.

Diiwaan-gelinta Ciidanka oo su'aallo badan laga keenay ayaa sababtay in ay bilooyin mushahar waayaan xoogaga dowlada, taasoo keentay in ay soo faarujiyaan aagaga difaaca.

Dowladda ayaa ku doodeysa in ay uga gon-leedahay arrintaan si ay u hubiso in askarta ay helaan xuquuqdooda, maadaama ay sheegtay in haatan ay jiraan magacyo laga been abuurtay.

Dowladaha Imaaraadka, Mareykanka, Turkiga iyo kuwa kale ayaa horey u bixin jiray mushaarka ciidanka, balse waa ay joojiyeen markii ay soo baxeen musuq-maasuq baahsan oo ka dhex-jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku guuldareystay inuu mideeyo madaxda Federaalka

Balse maqnaanshaha Puntland iyo Jubbaland ayaa astaan u ah kala qeybsanaanta siyaasadeed ee sii qotomeysa.

  • Soomaliya

    07-05-2025

  • 11:33AM

Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay Taliyaha AFRICOM ?

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage.

  • Soomaliya

    07-05-2025

  • 08:58AM