''Xafiisyada MW iyo RW ayaa soo abaabulay in nala Af-duubto'' Xil Kooshin

Image

Fiidnimadii Arbacada labo xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka DFS ayaa sheegay in isku day Af-duub loogu gaystay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.


Xildhibaan Axmed Cabdi Ilyaas''Kooshin'' iyo Xildhibaan Xasan Cabdinuur ayaa niman hubeysan oo wajiga qarsaday ay gaari ku qaateen iyaga oo goor danbe ku dajiyay meel kamid ah xaafadda Westland ee Nairobi.
 
''Ninka watay kooxda na afduubatay waxaan u malaynayaa in uu ahaa Soomaali/Kenyan isla markaana waxaan tuhusannahay Xafiiska Madaxweynaha iyo RW in laga soo abaabulay. waana arin foolxumo wayn ah in dalalka shisheeye la isku beegsado oo ajnabi la isu adeegsado''.


Mudanayaasha la beegsaday ayaa kala matala Somaliland iyo Koonfur galbeed waxaana ay kusoo aadaysaa iyada oo dhawaan ay warbaahinta u sheegtay in ay cadaadis kala kulantay MW Hassan Sheikh, Xil Fowsiya Yusuf Xaaji Aadan oo u sharaxan Gud ururka Midawga Afrika.


isaga oo sii hadlaya waxaa uu sheegay in kooxda afduubtayaasha ah ay waydiiyeen labo mudane oo kale kuwaasi oo ka tirsan golaha Shacabka'' waxay na waydiiyeen Xil Gamaadiid iyo Xil Cabdisamad Macalin''.

labada Xildhibaan ee kale oo la waydiiyay ayaa midkood uu yahay Xoghayaha guud ee xisbiga Himilo Qaran oo uu hogaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheikh Ahmed halka Xil Cabdisamad Macalin uu yahay Wasiirkii hore ee Arimaha gudaha federaalka.


Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa lagu eedeeyay marar kala duwan in uu isku dayayo in uu aamusiyo codadka dhaliila habka maamulkiisa isaga oo inta badan ku mashquulsan safaro dibadda ah.

 

GaroweOnline

Nairobi

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM