Xafiisyo kamin ah wasaarada diinta Soomaaliya oo "la xiray"

Image
Xafiiska hanti dhowrka guud ee Soomaaliya oo baaritaan wada ayaa la sheegay in uu talaabadan qaadey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska hanti dhowrka guud ee Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah albaabada isugu laabtey qaar ka mid ah xafiisyada Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, sidda ay wararku sheegayaan.

Talaabadan ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadoo la sugayo baaritaan ku saabsan qaabka loo maamulay qoondada dalka ka helay gudashadda xajka ee sanadkan 2022-da.

Hanaanka loo maareeyay qoondada ka timid boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa la sheegay in loo maareeyay ay hareeyeen eedeymo musuqmaasuq, sida ay wararku sheegayaan.

Wasaaradda Cadaaladda dowladda Puntland oo qaadacdey qiimaha ay Xajka sanadkan u jaan-goysay xukuumadda federaalka Soomaaliya kaasoo ah $5,230 ayaa dalbatay "dib-u-habeyn degdeg ah maadaama dadka Soomaaliyeed aysan awoodin lacagtaas faraha badan".

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani, ayaa shaaciyey in dowladda federaalka ay "siyaasaddeysay" arrimaha Xajka sanadkan. 

"Qoondadii Sacuudiga ina siiyey oo ahayd 2,082 ayay kusoo koobeen 350," ayuu yiri dhamaadka bishii lasoo dhaafay mar uu warbaahinta kula hadlay magaalada caasimada ah ee Hargeysa.

Xukuumadda Riyadh ayaa lasoo wariyey in qorsheysay in guud ahaan waddanka Soomaaliya ay sanadkan 2022-da kasoo xajiyaan 5,206. Xukuumadda Muqdisho ayaan wali ka jawaabin eedeynta maamulka Hargeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM