Xamse: Aabahey ayaa geel lahaan jiray aniga ayaa dameer leh ayaa ka fiican

Image
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay munaasabada 26-ka June oo ka dhacdey Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 26ka Juun oo ku beegan sanad guurada 64-aad ee ka soo wareegtey markii ay Gobollada Waqooyi Xorriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, isla markaana calankeenna buluugga ah laga taagey dhul Soomaaliyeed oo xor ah.

"Waxaan caawa ugu hambalyeynayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 26-ka Juun oo ku beegan sanad guurada 64-aad ee ka soo wareegtey markii ay Gobollada Waqooyi Xorriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, isla markaana calankeenna laga taagey dhul Soomaaliyeed oo xor ah," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyay hadalkiisa: "Waxay mudan yihiin dadkii Soomaaliyeed ee xorriyadda keenay meel kasta ha joogaane, in la xaqiijiyo himillooyinkii ay ka lahaayeen halgankii xornimo u dirirka, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen dadka Soomaaliyeed oo mid ah, oo walaalo ah, oo hal calan iyo hal dowlad leh".

Ugu dambeyn, wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa kusoo xiray hadalkiisa: “In aan marka la gaaro todobaadka xorriyadda ku raaxeysano heeso ah berri qaadeen wiilal iyo gabdho sax ma ahan. Aabahey ayaa geel lahaan jiray aniga ayaa dameer leh ayaa ka fiican. Horta annaga maxaan tarnay?".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM