Xamse oo Baydhabo u tagay dajinta xiisada Laftagareen iyo Villa Soomaaliya

Image
Waxaa garoonka kusoo dhaweeyey Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa maanta safar shaqo  ku tagay magaalada caasimada KMG ah ee Baydhabo.

Waxaa garoonka kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ah dadaallada xoojinta wada shaqaynta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Iyada oo laga wada hadli doono dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, arrimaha siyaasadda, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha. 

Inta uu ku sugan yahay Baydhabo, Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada, odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta maamulka, si ay uga wada hadlaan xaaladda guud ee dalka iyo sidii loo sii wadi lahaa iskaashiga ku aaddan horumarinta iyo nabadeynta deegaanka.

Wafdiga Xamse waxaa kamid ah Taliyaha Sirdoonka Cabdullaahi Sanbaloolshe kaasoo ka socda dhanka Xasan Sheekh. Ujeedka socdaalkan wuxuu yahay sidii loo qaboojin lahaa wadashaqeynta Koonfur Galbeed iyo Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM