Xamse oo isku dayaya inuu tago Kismaayo xilli uu diidan yahay Axmed Madoobe

Image
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maalmihiisa xukunka tirsamayaan maadaama uu lumiyay degaan doorashadiisa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka aan ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa muujinaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya la hadashay ciidamada ATMIS, iyaga oo u soo jeediyey in ay la wareegaan maamulka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, oo ah magaalo madaxda ku-meel gaarka ah ee Jubaland.

Hase yeeshee, ATMIS ayaa sheegtay in aysan awoodin tallaabadan, maadaama mas’uuliyadda garoonka ay haatan ku jirto gacanta maamulka Jubaland.

Qorshahaan ayaa yimid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu ku talojiro inuu booqasho ku tago Kismaayo.

Xogta ayaa sheegeysa in Ra’iisul Wasaaraha oo asal ahaan ka soo jeeda Jubaland uu damacsan yahay inuu ka horyimaado qorshaha Jubaland doorasho ku qabsaneyso taas oo horseedi karta qalalaase ciidan iyo mid siyaasadeed.

Waxaa xusid mudan in markii ugu dambeysay ee Jubaland doorasho ka dhacdo taasoo dib loogu doortey Madaxweyne Axmed Madoob ay dowladdii hore ee uu Madaxweyne Farmaajo madaxda ka ahaa isku dayday inay ciidamo Itoobiyaan ah geeyaan garoonka Kismaayo, taas oo ay ka hortageen ciidamada Jubaland.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa muujinaya in maamulka Kismaayo ay haatan shir degdeg ah ku jiraan, iyadoo la filayo in qoraal rasmi ah ka soo saaraan arrimahan soo kordhay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM