Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Image

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka aysan joojin doonin bixinta mushaharka, darajooyinka iyo xuquuqda ciidamada federaalka ee laga qoray Puntland, isagoo ku tilmaamay arrintaasi waajib dastuuri ah oo saaran dowladda.

Isagoo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Muqdisho Khamiistii, Xamza ayaa dhaliilay siyaasiyiin uu ku eedeeyay inay hor istaagayaan dhaqdhaqaaqa ciidamada isla markaana ka hor istaagayaan qaar ka mid ah askarta inay helaan xuquuqdooda.

“Waa waajib saaran dowladda inay askarigaas siiso mushaharkiisa, darajadiisa iyo xuquuqdiisa. Taasi dambi ma noqon karto cid kasta oo diiddan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Xamza wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay sii wadi doonto diiwaangelinta ciidamada ka soo jeeda Puntland iyo bixinta dhammaan xuquuqdooda.

Wuxuu intaas ku daray in tirada ciidamada federaalka ee laga diiwaangeliyo Puntland ay sii kordhi karto, xitaa gaari karto 30,000 oo askari, isagoo xusay inaanay jirin cid dowladda ka hor istaagi karta inay gudato waajibaadkeeda.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, inuu hor istaagay mashaariic horumarineed oo ay ka mid tahay waddada isku xirta Xarfo iyo Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay in boqolaal dhalinyaro ah oo loo diyaariyay inay macallimiin noqdaan sidoo kale laga hor istaagay fursado shaqo sababo siyaasadeed awgood.

Hadalka Xamza ayaa u muuqda mid jawaab u ah eedeymo uu dhawaan jeediyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, oo ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha inuu qayb ka yahay tallaabooyin lagu wiiqayo xasilloonida Puntland.

Ciidamo taageersan Dowladda Federaalka ayaa haatan ku sugan deegaanno ka tirsan Puntland, arrintaas oo sare u qaaday xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee u dhexeysa Muqdisho iyo Garowe.

Maamulka Puntland ayaa hore u sheegay in qorista ciidamada iyo dhaqdhaqaaq kasta oo militari oo ay Dowladda Federaalka ka fulinayso deegaannada Puntland aysan dhici karin iyada oo aan la helin iskaashi iyo oggolaansho maamulka.

Khilaafkan ayaa walaac ka dhaliyay qaar ka mid ah isimada dhaqanka iyo siyaasiyiinta, kuwaas oo ugu baaqay labada dhinac inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta iska horimaad hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Midowga Africa oo Shir degdeg ah ka yeeshay go'aanka uu Mareykanku ku jaranayo dhaqaalaha howlgalka Soomaaliya

Mareykanka ayaa sheegay inuu tan iyo sannadkii 2007 ku bixiyay ku dhowaad $2 bilyan taageerada AMISOM iyo ATMIS.

  • Soomaliya

    03-07-2026

  • 04:25PM