Xaqiiqadda keentay dhaqaalo yarida ay askarta AMISOM "isu dilayaan"
KAMPALA, Uganda – Howlgalka nabad-illaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa horaantii sanadkan qirtay in ay soo food-saatay dhaqaalo xumo, gaar ahaan dhinacyadda gunooyinka askarta iyo dhanka Saadka.
Intaasi waxaa wehlisa, warbaahinada wadamada ciidamada ku taageeray howlgalkan ayaa baahiyey in xoogagooda ay ka cabanayaa nolosha oo ku adkaatay taasi oo sababtay in ay qaarkood is-dilaan.
Balse waxaa aad u adkaatay helitaanka gunta iyo xaqiiqadda dhabaha u xaartay arrintan taasi oo aakhiritaanka daaha laga rogay.
Wargeyska The Independent faraciisa Uganda ayaa shaaciyey in Qaramada Midoobay ay tan iyo 2017-kii cadaadis ku saareyso dalalka ciidanka ku taageeray AMISOM in ay dhimaan askartooda.
Wallow ay bilaabeen fulinta go’aankaasi, haddana waxaa la rumeysan yahay in ay ku socoto qaab gabaabsi ah oo ah sida aanan loo baahneyn.
Jaraa'idka ayaa daboolka ka qaaday in talaabadani ay ka dambeysay markii Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysay ay "garowsatay wax-qabad la’aanta baahsan" ee howlgalkan bilowday sanadkii 2007-dii.
Joornaalkan ayaa tilmaamaya in UN-ka uu go’aan ku gaarey in fursad la siiyo Ciidanka Soomaaliya, kuwaasi oo ay xustay in hadii aanan lagu wareejin amniga dalkooda aanan la gaarin waqti dhow hadafka la hiigsanayo.
Sidda uu dhigayo qorshaha kala guur ee ay ku heshiiyeen Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, waxaa lagu wadaa in ciidanka Soomaaliya lagu wareejiyo mas’uuliyadda ammaanka dalka sanadka 2021-22.
Go’aankan oo lagu gaaray qaraar soo baxay bishii August ee sanadkii 2017-kii ayaa nan wax talo laga siinin wadamada ay ciidamada ka joogan Soomaaliya maadaama aysan iyagu go’aan ku lahayn.
Warbixinta ayaa intaasi ku dareysa in AMISOM lagu war-geliyay in hadii aysan sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhimin askarta hoos loo dhigi doono dhaqaalaha ay helaan, taasi oo haatan soo if-baxday.
Macluumaadyo la helayo ayaa daaha ka qaadaya in qaar kamid ah wadamada ay ciidanka ka joogan Soomaaliya ay ka cagojiidayaa fulinta go’aanka UN-ka, taasi oo keentay in aanan askartooda aysan helin gunooyin.
Henry Okello Oryem, wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Uganda, oo xaqiijiyey dhabar ka riixitaanka UN-ka, ayaa wuxuu shaaciyey qiilka ay ku doodayan.
"Beesha Caalamka, maadaama ay maal-gelinta leedahay, waxay dooneysaa in hoos loo dhigo askarta sida ugu dhaqsiyaha, hadii aysan taasi dhicin, dhaqaalaha AMISOM hoos baa loo dhigayaa," ayuu yiri.
Dhaliilaha ugu badan ee AMISOM loo jeediyo ayaa waxay tahay in ay ku guuldareysteen in ay ka adkaadan Al-Shabaab xili ay cagaha lasii galayaa sanadkii 11 oo ay ka howlgalayaa wadanka dhaca Geeska Afrika.
"UN-ka wuxuu doonayaa in uu arko ciidanka Soomaaliya oo dagaalka qaadaya, balse annaga ma cabaneyno, waxaase ka walaacsan nahay awoodda ay la wareegi karaan," ayuu xusay.
Talaabadan oo u muuqata mid fursad u ah ciidamada Soomaaliya kuwaasi oo in muddo ah la dhayal-saneyay awoodooda ayaa la rumeysan yahay in ay dhabaha u raaxi karto in lasoo afjaro dagaalka daba dheeraaday ee AlShabaab.
GAROWE ONLINE