Xarumaha Shabaab Jilib oo la weeraray

Image

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada dhexe ee Somalia, ayaa sheegay in diyaarado aan la aqoon halka laga leeyahay xalay duqaymo ka fuliyeen gobolkaasi iyagoo beegsaday saldhig Shabaab leeyihiin oo ku yaalla magalada Jilib.

Duqeyntan ayaa lala beegsaday garaash baabuurta dagaalka la dhigo iyo xarun ciidan, halkaasi oo ay ku sugnaayeen maleeshiyo iyo madax ka tirsan ururka Al-Shabaab, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramay in weerarkaasi ka dhasheen khasaaro nafeed iyo mid maal, waloow aysan jirin ilo lagu kalsoonaan karo oo tafaasiilinay duqayntaasi xalay dhacday.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay sideed ka mid ah maleeshiyada al-Shabaab iyo saraakiil, islamarkaana lagu dhaawacay afar kale.

Dhinaca Al-Shabaab majirto wax war ah oo kasoo baxay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Mucaaradka la Kulmay Kadib Cadaadiska Beesha Caalamka

Madaxweynaha Xasan Sheekh, oo hore loogu dhaleeceeyay mowqifkiisa adag, ayaa la sheegay inuu jilciyay aragtidiisa.

  • Soomaliya

    25-06-2025

  • 09:38AM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo dabciyay mowqifkiisa, lana kulmaya Mucaaradka 

Kulanka ayaa la filayaa in lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hab-raaca doorashada 2026.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 12:52PM